Haasaawihii Hore Iyo Kan Manta….

0
2012

Haasaawihii Hore Iyo Kan Manta….

Inkasta oo caado iyo dhaqan ahaanba ay soomaalidu iskaga mid tahay xagga haasaawaha ,haddana waxaa jirta kaladuwanaan aan sii buurnayn oo reer miiyigu

marka hore ILLAHAY ayaa mahad leh ii surto galiyay in an qoro maqalkan

dunidan manta aynu ku nool nahay wax kasta way is badaleen ,shay kasta oo laqiimayn jiray hada qiimihiisu wuu is badalay,shay kasta oo adka hada wuu fududaaday.

Inkasta oo caado iyo dhaqan ahaanba ay soomaalidu iskaga mid tahay xagga haasaawaha ,haddana waxaa jirta kaladuwanaan aan sii buurnayn oo reer miiyigu iyo reer magaalka way kala yara hannaan duwaanyihiin haasaawe ahaan ,maadama qaab nololeedkaoodu kala duwan yahay.

Shukaansiga iyo haasaawuhu waa haannaan soo jireen ah siin aahaan doona .waa sii jire ku lammaan meertada nolaasha adaamaha adduunkan ku dhaaqan, isla mar ahaantaana

haasaawuhu isbeddel iyo marxalado kala

duwan wuu soo mari jiray welina wuu ku sii socon doona .

muddooyinkan dambe marka la eego burburka ku dhacay soomaalida iyo dadkeeda, wuxuu saamayn iyo raad ku yeeshay arimihii dhaqanka laxidhidhay , sida hasaawihii soo jireenka ahaa ee ay soomaalidu taarikhda u lahayd. haasaawihii hore ee soomalidu wuxuu ahaa mid ku qotoma oo salka ku haya kana shiidal iyo dhinmbiil qaata dhaqankeena iyo caqiidadeenna diinta.

haasaawihii hore iyo kan maanta wax way wadaagaan ,waxana way ku kala duwaan yihiin , waayo lama odhan karo haasaawihi hore gebi ahaanba meesha wuu kabaxay.

Markaad se sii dhab ah ugu fiirsatid ujeedkii, hannaankii , qiimihii iyo mic nihii haasaawaha ee soo jireenka ahaa, waxaa kuu soo baxaysa oo aad arkaysa a in si khaldan oo qallocda oo aan ahayn sidii saxda ahayd ee wanaagsanayd loo fasirtay, loona fahmay haasawihii iyo haannankiisi hab qaldan .

haasaawihii hore waxa uu kaga duwanaa haasaawa wakhtigan muu ahayn mid si sahlan la isku heli karo , sidoo kalena wakhti kasta lama haasaawi jirin ee xilli iyo goor u gaara ayuu lahaa.

Halka haasaawaha wakhtigani uu yahay mid laammaanuhu goorta ay doonaanba ay kulmi karaan wada hadli karaan, Waxana qeyb libax ka qatay casriga tiignolojiyadda ,sida telefonada, barkulanka bulshada ee facebook iyo waliba barayasha kale ee hada ku so kordhay casrigan ay dunidu ku talabsatay.

badanaa lammanaha baadiyaha (miyiga) ee haasaawayaa waxaa ay ahaayen kuwo imtixaan iyo laylisyo iskaqaada amminta uu haasaawoodu u socdo.halka haasaawaahan danbe aan badanaa la isba imtixaamin ama aan aadba la isku xoog waraysan.

Haasaawaha wakhtigan ayaa ah mid ay dhalinyaradu kala kulman dhibatooyiin kala duwn.

Akhriste wixi talo iyo tusale ah halkan ayaad ku so guudbin karta

Wana so dhawaynaya fikirkaga

W/Q hinda cabdi sheekh

Hinda20999@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here