jawaab: hadalkii kasoo yeedhay xuseen axmed caydiid iyo samaale,ee ahaa (Siilaanyo SHAANI Ayaa Cabsi Gelisay).

0
368

jawaab: hadalkii kasoo yeedhay xuseen axmed caydiid iyo samaale,ee ahaa (Siilaanyo SHAANI Ayaa Cabsi Gelisay).

Inline images 1

Hadaba Waxaan taas odayaasha ka odhan lahaa axmed siilaanyo ma aha nin baqda,Taariikhna uma laha,waa geesi ka tilmaaman geyiga soomalida,wuxuu ahaa ninkii u gurmaday ee aan ka gabban, wakhtigii dadkiisu ninka geesiga ah u baahday,waxaana igaga filan oo aan kusoo ururinayaa jawaabta Hadalkii kasoo yeedhay samaale Iyo xussen axmed caydiid inaan ka idhaahdo,

-Miyaad dafirsan tihiin Mujaahid LIXLE allah ha u naxariistee inuu GEESI ahaa?jawaabtu
waa maya ayaan filayaa.

-miyaad diidan tahay maxamed-cali inuu geesi u shahiiday dalkiisa ahaa?

Aadan shine inuu geesi ahaa?
Ina koosaar geesi ahaa?
dayib guray geesi ahaa?
Ina koodbuur geesi ahaa?
quulle aadan dool geesi ahaa?
Dhega weyne geesi ahaa?
Craxmaan aw cali geesi ahaa?
Aadan saleebaan geesi ahaa?
Carab ducaale geesi ahaa?
Gaariye ahaa?

Hadraawi ahaa?
Xasan ciise geesi ahaa?
claahi askar geesi ahaa?
ibraahim maygaag geesi ahaa?
Haybe laanbad geesi ahaa?
Harag waafi geesi ahaa?
Claahi askar geesi ahaa?

Kuwa imika aad kasoo horjeedaan geesiyaal ahaayeen?

Inta dhimatay iyo inta nool Kulligood raggaas aan sheegay iyo tiro badan oo aanan halkan ku xusin waxaan filayaa inay taariikhda baal dahab ah kaga qoran yihiin ,inay GEESIYAAL AHAAYEENNA IDINKA IYO UMMADA SOMALILAND-BA WAA MID AY WADA QIRAYAAN.

Kolka ay sidaasi tahay tolow xuseen iyo samaale,xaggee bay ka waalan yihiin,marka ay axmed siilaanyo ku sheegayaan nin SHAANI la tuur tuuraa cabsi gelisay, Miyaanay ogeyn in dhammaanba raggaasi geesiyaasha ahaa ee aan soo taxay,cidda BOSS kooda ahayd,leader-kooga ahayd,odaygooda ahayd,chairman-kooga ahayd,halyeygooda ahayd,iyo HERO-ga ay ku dhaataanba uu Axmed Siilaanyo ahaa. Oh my God …Xageebaad ku aragteen geesi Nin fulay ah ka dab qaata, Raggu geesi ma noqdo haddaanu haysan
geesi uu ku tiirsado oo majaraha u qabta,

ficilba intaan la gaadhin,miyaanu axmed siilaanyo ahayn, ninkii ay weedhiisu innoo ahaan jirtay
Shamac Nuurka Halganka sii siyaadisa,.halka ay geesta kalena
halgaadda ama tumaatida ku ahayd cadwga….Oh my God……

NIN SHAANI LA TUURO IYO *shiilke holcaya* KA BAQDA MA AHA.

Xummadda Kursigu Xiska Iyo garashada qofka inay qaadato maaha.

midna ogaada:ninka axmed siilaanyo xumaan iyo ceeb doona inuu marmariyo,wuxuu ka dhigan yahay nin taariikhda umadda wasakhaynaya.

XAASHA’E NIN LIBIN KAA XISTIYAY XUMIHII WAA YAAB.
Waxaanan kusoo koobi lahaa,haba loo wada joogee bal gantaalaha rabadhka ah ee qaaradaha u kala gudba saaxiibayaaloow keena.

pro.Faysal Gaas….hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here