Kaddib Zidane oo wiilkiisa garoonka soo galiyay… (Maxaad ka garaneysaa tababarayaashii soo leyliyay wiilashooda?)

0
366

Wiilka tababare Zinedine Zidane ee Enzo Zidane ayaa habeen hore kulankiisii ugu horreeyay u saftay kooxda waa waynka ee Real Madrid, isla markaana gool dhaliyay ciyaartii ay 6-1 uga adkaadeen naadiga Cultural Leonesa kulan ka tirsanaa Copa del Rey.

Zidane ayaa go’aansaday inuu wiilkiisa 21-jirka ah ku soo tuuro dheesha qeybta labaad ee ciyaarta kolkaa ay 3-1 ku hogaamineysay Los Blancos, Enzo Zidane ayayna ku qaadatay 18-daqiiqo oo qura inuu gooolkiisii ugu horreeyay u dhaliyo kooxda waa waynka Real Madrid.

Haddaba waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbinaynaa tababarayaashii soo layliyey wiilashooda, kooxdii/Xulkii iyo sanadkii ay layliyeen:-

 

1. Brian & Nigel Clough
Nottingham Forest (Premier League), 1984.
2. Johan & Jordi Cruyff
FC Barcelona (Supercopa de España), 1994.
3. Cesare & Paolo Maldini
Italy (friendly), 1997.

 

 

 

 

4. Pepe & Xavi Moré
Valladolid (LaLiga), 2002.
5. Harry & Jamie Redknapp
Southampton (Premier League), 2005.

 

 

6. Bob & Michael Bradley
Metrostars (MLS), 2005.

 

7. Steve & Alex Bruce
Birmingham City (FA Cup), 2006.

 

8. Míchel & Adrián González
Getafe (LaLiga), 2009.