Paris Saint-Germain oo doonaysa inay kooxda Man United ka af-duubato Anthony Martial

0
349

Weeraryahanka kooxda Manchester United ee Anthony Martial ayaa u muuqda mid diiradda u saaran Paris Saint-Germain sida ay wararku sheegayaan.

20-sano jirkaan ay Red Devils 36 milyan oo pound kaga soo qaadatay kooxda AS Monaco sanadkii 2015 ayaa ku riyaaqsan waqtiga wacan oo uu ku qaadanayo garoonka Old Trafford, isagoo u dhaliyey 17 gool kooxda ku ciyaarta garoonkaas.

Martial ayaa inta badan ahaa bedel la isticmaalo inta lagu guda jiro xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu dhaliyey goolkiisii saddexaad iyo kiisii afaraad ee xilli ciyaareedkan kulankii ay habeen hore kooxda Man United guusha ka gaartay West Ham United ee EFL Cup.

Sida ay warinayso jariiradda The Sun kooxda PSG ayaa diiradda ku haysta xiddiga xulka qaranka France, kaddib markii uu booska joogtada ah ka waayey tababare Jose Mourinho.

Martial ayaa kaliya garoonka ugu soo bilowday kooxda Man United shan kulan oo Premier League ilaa iyo hadda xilli ciyaareedkan.