RASMI: Tababare Gareth Southgate oo xaqiijiyey in Wayne Rooney uu sii ahaan doono kabtanka xulka England

0
376

Tababare Gareth Southgate oo dhowaan ay xiriirka FA-ga si rasmi ah ugu dhiibeen xilka xulka Ingiriiska ayaa xaqiijiyey in Wayne Rooney uu sii ahaan doono kabtanka England.

Southgate ee aan laga adkaan afartii kulan uu sida ku meel gaarka ah u hayay xulka Ingiriiska ayaa maalin ka hor si rasmi ah loogu dhiibay xilka tababarenimo ee xulkaas, isagoo saxiixay heshiis afar sano ah uu sanadiiba ku qaadanayo adduun dhan 1.8-milyan oo bound.

46-jirkan horey ugu soo saftay Ingiriiska 57-kulan ayaa durba bilaabay shaqadiisa rasmiga ah ee xulka, waxaana uu caddeeyey in Wayne Rooney uu sii ahaan doono kabtanka xulka England, iyadoo la warinayey dhowaanahan in doorkaas laga qaadi doono kabtanka kooxda Man United, iyadoo ay safka ku jireen xiddigo uu ka mid yahay kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson.

Si kastaba Southgate oo suxufiyiinta kula hadlayey garoonka Wembley ayaa sheegay in Wayne Rooney uu sii ahaan doono kabtanka xulka England, inkastoo uu sheegay inaysan muhiim ahayn inuu kulan waliba garoonka ku soo bilowdo.