Kadib Ribery, Bayern Munich oo ku dhaw inay heshiis cusub ka saxiixdo Robert Lewandowski

0
540

waaxa qorey yaasir br

Wararka ka imaanaya Jarmalka ayaa sheegaya in kooxda Bayern Munich ay ku dhawdahay inay heshiis cusub ka saxiixdo weerar yahankeeda Robert Lewandowski.

Laacib kaan ayaa aad loola xiriiriyay kooxda Real Madrid suuqii xaggaaga, laakiin kooxda reer jarmal ayaa isku dayeeysa inay sii heysato xiddiga reer Poland.

Wariye ka tirsan Wargayska Sport1 ayaa baahiyay in Bayern ay shaacin doonto heshiis kordhinta Robert Lewandowski isbuucaan.

Lewandowski ayuuna sheegay inuu qalinka ku duugayo heshiis waqti dheer ah kaas oo ku eg ilaa June 2021, warkaan ayaana ah mid niyad jab u ah kooxihii doonayay saxiixiisa.

Kooxda ayaa maanta shaacisay in Ribery uu kooxda u kordhiyay heshiis hal sano ah taas oo ka dhigan inuu sanad kale u sii ciyaari doono.