Karim Benzema Oo Si Bah-dilaad Ah Ugu Tiiq-tiiqsaday Doonista Kooxda Arsenal

0
360

Karim Benzema Oo Si Bah-dilaad Ah Ugu Tiiq-tiiqsaday Doonista Kooxda Arsenal

Hargeysa(Warsugannews)Gool-dhalliyaha xiddiga kooxda Real Madrid Karim Benzema ayaa waxaa uu sheegay inaanu welligii ku fikirin ku biirista kooxda Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa xagaagii hadda ahaa aad u doonaysay soo qaadashadda xiddigan aadka ugu wanaagsan ka ciyaarista weerarka balse ma dhicin inay soo qaadato. Si kastaba waxaa uu Benzema sheegay inaanu weli ku fikirin inuu Arsenal ku biiro isla mar ahaan taana uu kooxdiisa Real Madrid ka tago.

“Kooxda Real Madrid kuma fikirin in dhawaanahan aan iskaga tago, Arsenal oo koox weyn ah iyaduna sidoo kale kuma fikirin inaan ku biiro” ayuu yidhi Benzema. Dhammaan kulamadii uu Benzema uu kooxdiisa xilli ciyaareedkan u saftay waxa uu u dhalliyey goolal tiro ahaan gaadhaya ilaa iyo 7-gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here