Wikileaks: Ayaa shaacisay qoraal ay Kooxdii Maxaakiimtu u dirtay ciidamadeeda kuna faraysay inay isu dhiibaan ciidamada Somaliland ay Afgambigii ugu sameeyaan Somaliland balse ka dhicisoobay +Xog culus oo la faafiyey

0
480

Wikileaks:(Warsugannews)Wikileaks: Afgambigii Dhicisoobay Ee Somaliland Ka Badbaaday
Warbixin ay soo daabacday shabakada wax kashifta ee WikiLeaks bishan, ayaa lagu sheegay in ururkii Maxaakiimta Islaamiga ahaa ee burburay ay qorshaynayeen in ay afgambiyaan Puntland iyo Somaliland, ka hor inta aanay ciidamada Ethiopia burburin ururkan sannadkii 2006.

Siday shabakadani daabacday mid ka mid ah hogaamiyaashii Maxkamadaha Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa qoraal sir ah oo uu ugu diray email-ka, dhammaan hogaamiyaashii ururkaas, waxa uu ku sheegay in loo baahan yahay in ciidamadooda ay si qarsoodi ah ugu biiraan askarta Somaliland iyo Puntland, taasoo marka dambe suurtogelin karta in la afgambiyo labada maamul.

Qoraalka Emailka ah ee Aweys ugu sheegay hogaamiyaashii Maxkamadaha in ay muhiim tahay in wasiiro iyo mas’uuliyiin inay ku yeeshaan labada maamul si marka dambe labada maamul loogu soo rogo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

“In laga furo Maxkamadaha Puntland iyo Somaliland waa muhiim, waxa aan ka iibsan karnaa ciidamadooda hubka ay haystaan, waana inaan ka joojino hubka soo galaya”ayuu Mr. Aways ku sheegay emailka.

Si loo hirgeliyo qorshahan ayaa shabakada Wikileaks waxa ay qortay in Sheekh Xasan Daahir uu ku taliyay in si dhaqso ah loo bilaabo sidii la isugu dayi lahaa in la xumeeyo xidhiidhka u dhexeeya Puntland,Somaliland iyo Ethiopia iyadoo loo marayo hogaamiyayaasha qabaa’ilada.

“Waa inaan ka iibsano hubkooda culus, annagoo lacag badan ku bixinayna.”ayaa lagu qoray email cinwaan looga dhigay “Sir Culus”.

Qorshayaasha ka baxsan hogaamiyaasha Maxaakiimta ayaa waxaa ka mid ahaa in la aasaaso koox ugaadhsata madaxda Somaliland iyo Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here