Kas-Darran! Qeybtii 5-aad W/Q: Mohamed Hassan Daacad‏

0
416

-Ayaamamaha ayaa xawli ku soconaya,walina xal muuqda looma hayo dhibka Cismaan,Ehel iyo asxaaba waxa laga murugaysan-yahay dhibaatadda aan daawadeeda lahayn ee soo koradhay.

Ayaammo ka dib,ayaa waxa kullan gaar ah iskugu yimid koox dhalinyaro ah oo iskugu jirta arday ay Cismaan xiliyo kala duwan ay isku Fasal ahaayeen,qaar ay isku xaafad-ahaayeen iyo qaar ay is-garasho guud ka dhexaysay,kuwaas oo ka war-helay xaaladda uu ku sugan-yahay Cismaan ee aan u muuqan Xanuun gudaha ah ama Cudur ka mid ah kuwa dadka asiiba oo ku dhacay Cismaan,balse ay tahay arrintaas ka duwan.Kullankoodii ugu horeeyay ee ay yeeshaan oo ahaa mid ah Casho ah,waxay go’aansaddeen labbo qodob,kuwaas oo kala ah; Inay isku dayaan sidii ay reerka ugu buuxin-lahaayeen kaalinta uu kabaxay Cismaan ee ahaa u-adeegga reerka iyo in shaqadda laga kala yareeyo Hooyaddii oo haatan la-dhibban Nolol-maalmeedkii Qoyska iyo In Cismaan Xaaladdiisa si weyn loogu kuur-galo,isla-markaasna laysku taxaluujiyo sidii loo bogsiin-lahaa bogaha dhaawacyadda halista leh soo gaadheen.

Sidii ayay Kooxdii shaqadda ku bilawday,waxaanay talo saarteen ILAAHAY,iyagga oo aaminsan inay hawl-miisaankeeda leh dusha u-riteen,balse kaliya ku doonaya inay bad-baadiyaan Nolasha Cismaan iyo Mustaqabla Qoyskooda ee haadaanta kasii dhacaya,iyadda oo haatana ay soo fool-leeyihiin Xiliggii Jiilaalka oo laga cabsi qabo inay gayigga ku dhufato abaar’ ba’an iyo sixir-barar baahsan oo dalka oo dhan saameeya. Dhalinyaraddan is-xil-qaantay intoodaba baddanni ma shaqeeyaan,jeebabkoodu ama hayntoodda adduunyana ma-buurna,balse calool-adayg iyo niyad-sammi ayay hawshan adag ugu badheedhayaan,waxaana isku qeybiyaan labbo kooxood,kuwaas oo shaqooyin kala duwan ku kala hagaagaya.

Ugu Horayn,waxay kullan Hoyga Qoyska Cismaan ay kula yeesheen Hooyo Xaaliimo oo ah Maamadda Cismaan,waxaanay uga tacsi-yadeeyeen geeridii naxdinta lahayd ee ku timid aabbihii reerka,kaas oo hadda dhawr todobaad sii mootan,waxa kale oo ay u sheegeen inay si-naf-huriddi ku jirta ula qeyb-sanayaan xaaladda adag ee ay ku sugan-yihiin,ha-ahaato mid nololeed iyo mid kaleba,waxaanay ugu laab-qaboojiyeen inay rajaynayaa inay daawo deg deg ah u lehaan xaalka Cismaan oo haatan sarriir-yaal ah,iyagga oo sidoo kalena u sheegay inay Hawsha culus ee qoyska u keeni doonaan Inan (Gabadh) shaqaale ah,waxii qarash ah ee ku baxana ay iyagu bixin-doonaan.

Hooyo Xaliimo,hawraarsan iyo guddoon ayay kaga fal-celisay arrinkii ay ula yimaaddeen Dhalinyaraddu,waxaanay ILAAHAY uga barriday inuu miisaanka xasanaadka ugu daro,sidaas dad-nimadda iyo wanaaggu ku jiro ee ay ugu yimaadeen,isuna soo xil-qaameen,iyadda oo dad badan oo Carruurta la-ehel ahaa oo xaq ku lahaa aannay ilaa hadda kasoo ag-wareegin,waxaanay intaas raacisay in Bini’aadamka kii wax-kuu-qabta ee dhibka ku haysta kula qeybsadda uun aad wax-isku-tihiin ee aanay qaraabbo-nimadda kale wax macno ah samaynayn.

Intaas ka dib,waxay Cisbitaalka ku booqdeen Cismaan oo xaaladdiisu ay sii xumaatay,waxaanay hawl-wadeenadda caafimaad ee goobtu u sheegeen inuu Cismaan yahay bukaan-socodkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee yimaadda goobtoodda caafimaad,waxaanay taas ku sababeeyeen inuu noqday Buukaan aan sina lagu garan-karin nooca xanuun ee la-deriska ah,iyadda oo hadda soo baxayaan nafaqo-darro ka dhalatay cunto la’aanta iyo wer-werka badan ee haysta oo haatan hoos-u-dhiggay xaddigga dhiigga ee jidhkiisa ku jira.

Lasoco……..Qeybaha Danbe oo Xiiso gaar ah leh!
W/Q: Mohamed Hassan Daacad
Email:Daacad461@gmail.com –