Kenya oo Cabsidii Ugu Xumeyd ka Qabta Soomaaliya & Hub ay Diyaarsatay

0
434

by yaasir yar

Taliyaha guud ee ciidamada dalka Kenya General Samson Mwathethe  ayaa sheegay inay xaduuda ay Soomaaliya la wadaagaan soo dhoobeen ciidamo kale oo dheeraad ah si ay uga hor tagaan weeraro ay dalkaasi ku qaadaan dagaalamayaasha ururka Daacish iyo Al-Shabaab.
Taliyuhu waxaa uu sheegay in si looga hortago weeraro kaga yimaada Daacish iyo Al-Shabab ay ciidamo geeyeen inta u dhaxaysa magaalo xeebeedka Lamu illaa Mandheera halkaasoo lagala soconayo dhaq dhaqaaqyada xaduuda ka jira.
General Samson Mwathethe waxaa uu sheegay in la helay xog sheegaysa in Al-Shabab ama dagaalamayaal ka tirsan faraca Daacish ee Soomaaliya ay abaabulayaan weeraro ay ku qaadaan dalka Kenya gudahiisa taasoo keentay buu yiri in la kordhiyo tirada ciidamada militryga ee magaalooyinka xaduuda Soomaaliya ku yaala ka shaqaynaya.
“Baro kontorool oo amaanka lagula soconayo ayaan ka samaynaynaa magaalooyinka aan ciidamada geynay si aan uga hor tagno dhaqdhaqaaqyada ay sameynayaan Daacish iyo Al-Shabab” ayuu yiri sargaalkaan hogaamiya ciidanka Kenya.
Hadalkaan sargaalkaan waxaa uu ka sheegay munaasabad lagu xusayay 5 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay ciidamada Kenya yimaadeen Soomaaliya waxaana uu xusay in ciidamadooda qeybta ka ah hawlgalka AMISOM ay Soomaaliya sii joogaayaan illaa dalku nabad ka noqonayo.