Khabiir Maraykan Ah Oo Ka Hadlay Mawqifka Maraykanka iyo Dawladda Jabuuti Ka Taagan Yihiin Qaddiyadda Somaliland

0
423

Khabiir Maraykan Ah Oo Ka Hadlay Mawqifka Maraykanka iyo Dawladda Jabuuti Ka Taagan Yihiin Qaddiyadda Somaliland

(WARSUGANNEWS) Khabiir Maraykan Ah Oo Ka Hadlay Mawqifka Maraykanka iyo Dawladda Jabuuti Ka Taagan Yihiin Qaddiyadda Somaliland Professor Seth D. Kaplan, ayaa shaaca ka qaaday in Siyaasadda Maraykanka ee ku waajahan Geeska Afrika halbeeggeedu yahay Ammaanka iyo Aqoonsiga Somaliland ku dhiiran karaan hadii ay dantooda nabadgelyo horumarin karto.

Seth D. Kaplan oo ah Khabiir Siyaasadaha Caalamka ka dhiga Jaamacadda Johns Hopkins University, Baltimore, ayaa sheegay inaanu faahfaahin ka bixin karin Siyaasadda Jamhuuriyadda Jabuuti ee ku aaddan Madax-bannaanida Somaliland, maaddaama oo aanu si dhaw xilligan ula socon xaaladda gobolka.

Su’aalo Weriye Maxamuud Walaaleye oo Wargeyska Himilo ka tirsani ka weydiiyey Warbixin dhawaan Warbaahinta caalamku baahisay oo uu kaga hadlayey arrimo khuseeya Somaliland iyo mawqifka dalka Jabuuti ka qabo madax-bannaanideeda oo ku sheegay inaanay oggolayn, ayaa jawaabihii uu ka bixiyey u dhaceen sidan:-

S: Waannu la soconnay inaan Soomaaliya oggolayn madax-bannaanida Somaliland, laakiin, mugdi ayaa ku jiray mawqifka Jabuuti, oo aad ku sheegtay inaanay oggolayn, maxaad xaqiiq u haysaa, wakhtigan oo dhawaan ay soo magacaabeen Wakiil u metela Somaliland, ayaa ku jawaabay;

“Si dhaw ulama socdo is-bedbellada xaaladaha Siyaasadeed ee gobolka, markaa jawaab kama bixin karo su’aashaa.”

Mar la weydiiyey warbixin hore oo uu qoray kagana hadlayey sida looga fekero dhismaha dawladaha fashilma, Maraykankana ugu baaqay inuu taageero qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland, kuna dhiirrigeliyo dalalka Afrika sida Koonfur Afrika inay hormood ka noqoto Khubarada haga Siyaasadda Maraykanku inay qaateen taladaa.

Sidaa daraaddeed inuu hayo caddaymo arrimahaas muujinaya, waxa uu ku jawaabay;

“Danaha Maraykanka ee Geeska Afrika waxa minqiyaas u ah Ammaanka, oo macnaheedu yahay inaanay xiiso dheeraad ah u yeelanayn arrin khilaaf ah sida Aqoonsiga Somaliland, illaa arrinkaasi kobcinayo danahooda Ammaanka.”

Sidoo kale, mar uu ka jawaabayey Su’aal Weriyuhu ka weydiiyey in Maraykanku ku dhiirraday xal u helidda khilaafka Itoobiya iyo Eritrea oo hore uu u sheegay inuu keenayo xallisoonida gobolka, isla markaana hoos u dhigayo taageerada Eritrea ee dagaallada Soomaaliya ee ku waajahan Itoobiya, waxa uu yidhi;

“Xidhiidhka Maraykanku la wadaago Itoobiya waa mid ay muhiimaddiisu u weyn tahay dano ammsan, markaa, kuma deg-degi doonaan inay xal u raadiyaan khilaafkooda Eritrea, haddaan Itoobiya sidaa doonayn.

Warsugannews

Warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here