Wafti Uu Hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Jigjiga safar ugu Baxay + Shirar ay ka qaybgelayaan

0
509

Wafti Uu Hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Jigjiga safar ugu Baxay + Shirar ay ka qaybgelayaan

Jigjiga(Warsugannews) Wafti Uu Hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Jigjiga safar ugu Baxay
Wafti balaadhan oo uu horkacaayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo ay wahelinayaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Warancade, iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Maxamuud Aadan Jaamac ayaa safar shaqo u tagey dawlada deegaanka Soomaalidu degto ee Itoobiya gaar ahaan magaalada Jig jiga.

11173349_10153000134430248_6847669264917540432_n

Wafitgan ayaa u jeedoodu safarkoodu tahay kulamo ay la yeelan doonaan madaxda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiyo ku saabsan dhinaca dhaqaalaha, Iskaashiga laba dawladood, amnig, xuduudaha iyo shaqaale wasaarada Qorsheynta oo safar shaqo ugu socday Boorama ka dib markii ay ka lumen waddadii ay socdeen oo ay galeen Itoobiya ka dib ay qabteen ciidamada Itoobiya ee xuduudka wareegaaa oo haatan ku xidhan Jig jiga.
11987115_10153000134565248_5404488001706292451_n
Dhinaca kale labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa ka wada shaqeeya arrimaha xakamaynta tahriibka, iyadoo maalmahanna dawlada Itoobiya 75 tahriibayaal ah oo ay ka soo qabteen gudaha Itoobiya ay ku soo wareejiyeen Laanta Socdaal Tog wajaale.

warsugannews
Warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here