Khudbad Sanadeedii Madaxweyne Siilaanyo Uu ka Jeediyey Golahyaasha Baarlamaanka oo Noqotay Tii Ugu hadal haynta badnayd.! C/Jibaar Cismaan Dubad

0
368
????????????????????????????????????

Khudbad Sanadeedii Madaxweyne Siilaanyo Uu ka Jeediyey Golahyaasha Baarlamaanka oo Noqotay Tii Ugu hadal haynta badnayd.! C/Jibaar Cismaan Dubad

Dadweynaha Somaliland ayaa ka dareen celiyey Khubadii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo uu Maanta Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland u jeediyay.

khudbad-sannadeedkii Dastuuriga ahayd ee 2016-ka, ee Madaxweyne Siilaanyo uu maanta ka jeediyey baarlamaanka ayaa ahayd Khudbad uu kaga hadlay Arrimo kala duwan oo saamayn ku leh Bulshadda Somaliland.

Dadweynaha isticimaala Baraha Internedka ee Bulshadu ay ku wada xidhiidho ayaa aad u faalaynayey Khubad Sanadeedka uu Madaxweynuhu Baarlamaaka ka jeediyey, iyagoo qaarba si gaar ah u falanqaynaya Mawaadiicda ay danaynayaan, dadka qaar ayaa sood dhigayey sida ay u arkaan Khubada, halka qaar kalena ay Soo dhigayeen Qaybo ka mida Khudabadii Madaxweynaha.

Barta Facebook ayaa dadka qaar ay soo dhigayey Faalooyin ay ku taageeerayaal Khubada Madaxweyne Siilaanyo, oo ahayd mid ka duwan kuwii hore ee uu Baarlamaanka ka jeedin jiray.

Qaar ka mida dadweynaha ayaa Diirada saarayey ka hadalka Madaxweynaha ee ku aadanaa Qiimo dhaca Shilinka Somaliland, farxad leh u soo dhaweeyey in Madaxweynuhu uu sheegey inay ka go’antahay sidii Qiimaha doolarka hoos loogu dhigi lahaa, isticimaalka Shilinka Somaliland sare loogu qaadi lahaa.

Sidoo kalena waxa arrimaha aadka loo falanqaynayey ka mid ahaa Isbadalka balaadhan ee ku aadan Garsoorka dalka, iyadoo ay dadka qaar dareen qiiro leh, ku qaabileen Khubada Madaxweynaha ee ku aadanayd, sida uu u aamin sanyahay, in wax weyn laga badalo Nidaamka Garsoorka dalka, isagoo Madaxweynuhu balan qaaday inuu garab weyn siin doono Qorshayaasha dib u habeynta Garsoorka ee uu Wado Gudoomiyaha Maxkmadda Sare ee Somaliland Md. Aadan Xaaji Cai Axmed.

Arrinta kale ee Xiisaha leh ayaa iyana ahayd, Hadalka Madaxweynaha ee ku saabsanaa, Farro galinta maamulka taagta darran ee Soomaaliya uu ku hayo Arrimaha Somaliland, dadka ayaa aad u bogaadinayey hadalka Madaxweynaha ee ku aadanaa in aaanay Xukuumadiiisu marba aqbalaynin farro glainta maamulka Muqdisho, sidoo kalena Umadda Somaliland Shacab iyo dawladba ay heegan ugu jiraan difaaca Qaranimadooda.

Isku soo wada duuboo khudbad-sannadeedkii Dastuuriga ahayd ee 2016-ka, ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ahayd ahayd tii ugu shacbiyada badnayd, uguna falanqaynta badnayn.

W/Q C/Jibaar Cismaan Dubad