Tirada Dadkeena Somaliland Si Ay U Korodho Muwaadin Is Diwaangeli. W/Q: Khadar Cabdi‏

0
358

Tirada Dadkeena Somaliland Si Ay U Korodho Muwaadin Is Diwaangeli. W/Q: Khadar Cabdi‏

Somaliland tan iyo markii la sameeyey daraasaadka caalamiga ah ee tiro koobka bulshooyinka waxay nasiib u heshay in loo diwaangeliyo tiro aan ilaa hada dhaafin saddex milayn iyo badh (3,500,000) inaga oog inta aynu tiro ahaan gaadhno haddana waa dublumaasiyad caalamku inala ciyaarayo.

Bulsho kasta oo caalamka ku dhaqan sanad kasta way korodhaa waxaanay u socotaa xaga sare. Inaga Somalilad ahaan beesha caalamku si ay tiradeena dhabta ah u hesho waxaa loo baahan yahay in la fahmo is-diwaangelinta xiliga codbixinta, gaar ahaana qaadashada kaadhka codka ee lagu galayo doorashooyinka soo socda.

Shacabka Somaliland haddii si rasmi ah uga run sheegeen oo ay qalbiga u sii daayaan diiwaangelinta waxaa hubaal ah oo aan marag u baahnayn in tirada dadkeenu dhaafi doonto shan milyan (5,000,000), mar kasta oo tiradeenu korodho waxaad ogaataa akhriste in kobaca dhaqaale ee Somaliland uu noqonaayo mid sare u kaca, isla markaana yeesha saamayntiisa iyo wax tarkiisa.

Somaliland qaran ahaan waxay u baahan tahay in kor loo qaado qiimaha dadka si looga dhabeeyo maahmaahda soomaaliga ee “meeshii dad joogo ayey duunyo joogtaa” Caalamka oo dhan ayaa xisaabtada kugu darsanaya markay maqalaan Somaliland sanad kasta waxaa ku yimaada kor u kac bulsho.

Inta diiwaangelinta gasha ayaa markhaati ka noqo doonto farriinta beesha caalamka ee ah waano kordhnay ee Somaliland la garab istaaga dhaqaale iyo taakulo ka badan kii hore aad u siin jirteen, inaga oo ku doodi doona tirada dadkeenu hadba gaadho.

Waxaan ku soo koobayaa qoraalkayga korodhnaye Allow noo siyaadi. Somaliland waxay astaan u tahay wadamo badan oo ka jira geeska Afrika oo aan maanta haysan diwaangelinta iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Qalinkii: Khadar Cabdi

Khadarc16@gmail.com