Kooxda Liverpool oo eriday Tababarihii Kooxdooda Brendan Rodgers

0
459

Kooda Liverpool oo eriday Tababarihii Kooxdooda Brendan Rodgers

Tababarihii hore ee kooxda Borussia Dortmund, oo lagu magacaabo Jurgen Klopp ayaa ah qofka koobaad ee la rabo in uu badalo.

Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa shaqada ka eriday tababare Brendan Rodgers kaddib saddex sano iyo bar oo uu kooxda laylinayay.

Tababarihii hore ee kooxda Borussia Dortmund, oo lagu magacaabo Jurgen Klopp ayaa ah qofka koobaad ee la rabo in uu badalo.

Rodgers waxaa shaqada laga eryay kaddib markii uu axadii barbaro la galay kooxda Everton, taas oo sababtay in ay kooxda Liverpool kaalinta tobnaad ka gasho koobka horyaalka Ingiriiska ee Premier League, laakiin go’aanka waxaa la gaaray ciyaarta ka hor.

Qoraal ay kooxda Liverpool soo saartay ayaa lagu sheegay in inkasta oo go’aankaasi yahay mid adag hadanna ay rumaysan yihiin in ay tahay fursadda ugu wanaagsan ee kooxdu horumar ku samaynkarto.

Todobaadyadii u dambeeyay waxaa shaqadan iygana lala xiriirinayay Tababarihii hore ee kooxaha Chelsea iyo Real Madrid, Carlo Ancelotti iyo tababaraha kooxda Ajax, Frank de Boer

WARSUGANNEWS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here