War Degdeg ah: Weriyayaal Xabsiga Berbera Loo Taxaabay Qaar Kaloo Baadiddoonkooda Lagu Jiro iyo Cida Xadhigooda Amartay

0
366

War Degdeg ah: Weriyayaal Xabsiga Berbera Loo Taxaabay Qaar Kaloo Baadiddoonkooda Lagu Jiro iyo Cida Xadhigooda Amartay

Berbera(Warsugannews) Goor dhoweyd ayaa xabsiga loo taxaabay laba weriye oo ka kala hawlgala warbaahinta madaxa bannaan ee magaalada Berbera.

Weriyayaashan xabsiga Berbera loo taxaabay oo kala ah C/raxmaan Maxamed Cige oo ka hawlgalaga Telefishanka SOMNEWS iyo Weriye Axmed Siciid Maxamed oo isaguna ka hawlgala Telefishanka Kalsan TV ayaa waxa amarka xadhiggoodan bixiyey Wasiir-kuxigeenka Xannaanada Xoolaha Cali Gadh-dheer oo muddooyinkii u danbeeyeyba magaalada Berbera ku sugnaa.

Waxana wararka qaarkood sheegayaan inay jiraan weriyayaal kale oo sidan oo kale wasiir-kuxigeenkaasi amray in la xidho oo iyagana boliiska magaalada Berbera ay baadidoonkooda ku jiraan.

Sikastaba ha ahaatee muddooyinkiii ugu danbeeyey waxa muuqata in mas’uuliyiin xukuumadda Siilaanyo ka tirsani ay magaalada Berbera y u joogaan sidii ay warbaahinta madaxa bannaan xabsiga ugu ururin lahaayeen.

warsugannews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here