Saraakiishii Xabsiga Laascaanood Maxaabiista Ka Sii Daayay Oo Ka Sheekeeyay Cidda Kala Shaqaysay Sii Daynta Maxaabiista

0
412

Saraakiishii Xabsiga Laascaanood Maxaabiista Ka Sii Daayay Oo Ka Sheekeeyay Cidda Kala Shaqaysay Sii Daynta Maxaabiista

Laascaanood(warsugannews) Qaar ka mid ah maxaabiis iyo saraakiil laba todobaad ka hor ka baxsaday Xabsiga Laascaanood ayaa ka sheekeeyay sidii ay ugu suuro gashay inay baxsadaan iyo cidda kala shaqaysay baxsadkooda, iyagoo ka hadlayay muuqaal laga soo duubay waxay sheegeen in maamulka Khaatumo oo adeegsanaya Saraakiil Asluubta Somaliland ka tirsan oo Xabsiga Laascaanood ka tirsani sii daayeen Maxaabiista.

Laba todobaad ka hor ayaa 16 maxbuus xilli niskii dambe ee habeenimo ah laga sii daayay Jeelka Laascaanood, waxaana sii raacay dhawr ka mid ah saraakiisha xabsiga ilaalintiisa masuulka ka ahaa, waxaanay wada tageen degaanka Balicad ee xarunta u ah Cali Khaliif.

Nin magaciisa ku sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Guuleed, oo sheegay inuu saraakiisha Xabsiga Laascaanood ka tirsanaa ayaa sheegay in Madaxda kooxda Khaatumo ku qancisay sidii loo sii dayn lahaa Maxaabiista oo u xidhnaa dagaal horraantii sanadkan ka dhacay degmada Gumeys ee gobolka Sool.

“Waxaan ahaa sarkaal ka tirsan xabsiga Laascaanood. Waxaanu iskaashi lahayn oo wada xidhiidhaynay mudadaas madax ka tirsan maamulka khaatumo. Waxaanu isla garanay raggaas xaq darada u xidhan ee maxaabiista ah ee sida sharci darrada ah loo haysto inaanu bedbaadsanno oo ka sii daysanno meesha, Illaahayna waa nagu guuleeyay,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan.

Jaamac Cismaan Caynab, oo sheegay in loo haystay dhibaato ka dhacday Gumeys ayaa sidan uga hadlay sii dayntiisa “ Waxa la iga soo qabtay magaalada Gumeys agteeda anagoo dad xoolo dhaqato ah iska ah oo soo aadnay meeshaas(Gumeys) oo dhibaato ka dhacday, ayaa nin ciidamada Somaliland ka mid ah wuxuu nagu eedeeyay inaanu gacan ku dhiigleyaal nahay. Maamulka Khaatumo iyo saraakiil joogtay Laascaanood ayaa ka wada xidhiidhay fursaddii nalagu sii dayn lahaa, hawshaasina way noo dhammaatay oo Illaahay wuu nagu guuleeyay,” ayuu yidhi ninkaasi laga sii daayay xabsiga Laascaanood.

Bilawgii bishii July ee sanadkan ayaa shaqaaqo sababtay dhimashada 2 nin iyo dhaawaca 6 ruux dhexmartay laba beelood oo wada dega degaanka Gumeys ee gobolka Sool. Halkaasi ayaa maxaabiista loo qabtay dhacdadaasi loo soo dhaadhiciyay xabsiga Laascaanood, iyagoo maxaabiistaasina ay ka mid ahaayeen kuwa hadda la sii daayay oo maamulka Sool sheegay in saraakiil ay isku beel yihiin Maxaabiistu sii daysay islamarkaana ay iyaga laftoodu raaceen.

warsugannews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here