Kooxaha jihaaddoonka Suuriya Oo isku Laayay Gobolka Idlib.

0
385

Kooxaha jihaaddoonka Suuriya Oo isku Laayay Gobolka Idlib.

Dagaalyahanno ka kala tirsan kooxaha Jihaaddoonka ah ee ku sugan Suuriya ayaa dagaal culus uu ku dhexmaray Idlib, sida wararka halkaasi laga helayo ay sheegayaan.

Dagaalka wuxuu u dhexeeyaa koox la baxday Taxriir Al-Shaam iyo Junda Al-Aqsa.

Labada kooxood ayaa xiriir la kala leh Al-Qacidda iyo ururka la baxay Khilaafada Islaamka.

Kooxda kor kala socota xaaladda Suuriya ee fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in dagaalka uu ku saleysan yahay awoodda gobolka Idlib.

Kala qeybsanaanta kooxaha Islaamiyiinta ee Suuriya ayaa soo billaabatay xilligii uu dagaalka Sokeeye uu ka qarxay dalkaas.

Bishii tagtay, kooxda mayilka adag ee Axraar Al-Shaam ayaa dagaal culus kula gashay Idlib ururka Jabhatu Fatxul-Shaam, taas oo hadda loo yaqaano Taxriir Al-Shaam.

Ku dhowaad 70 qof ayey isaga dileen dagaalka oo bilowday subixii Isniinta, sida ay sheegtay kooxda xaaladda Suuriya kor kala socota ee SOHR.

Sidoo kale, taliye ka tirsan mucaaradka ayaa sheegay in dagaalka uu aad u cuslaa.

Taxriir Al-shaam waxay lix degmo ka qabsatay Junda Al-Aqsa. Waxaa sidoo kale lagu soo warramayaa in labada kooxood ay ku dagaallamayaan gobolka Xama.

Gobolka Idlib wuxuu muddo gacanta ugu jiraa mucaaradka qunyar socodka ah, Axraar Al-shaam iyo Taxriir Al-Shaam.

Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii dagaalyahan ka mid ahaa Junda Al-Aqsa uu isku qarxiyay xarunta Taxriir Al-shaam, halkaas oo uu ku dilay sagaal qof, sida ay wakaaladda wararka ee AFP ku warrantay.

Sikastaba, hogaamiye ka tirsan Junda Al-Aqsa ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in Taxriir Al-shaam ay marka hore weerarka bilowday.

Labadan kooxood ayaa sanadkii tagay xulafo isla lahaa, balse ka dib ayey isku qilaafeen maamulka Idlib.