Ku-Dayasho Indho-La’aaneed. W/Q: Maxamed Jaamac Meygaag (Action)

0
421

Ku-Dayasho Indho-La’aaneed. W/Q: Maxamed Jaamac Meygaag (Action)

SALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WA BARAKAATU.

Umad waliba waxay leeyahay hal-door iyo cid ay hiigsato oo ay kolba himiladeeda iyo hiyigeeda ba uga tilmaan qaadato, iskuna qiimeyso inay sidaas hebel/heblaayo oo kale noqdaan. Wakhtiyadii hore Qofku markuu hana-qaad yahay ee uu la kacaa-kufayo koriinka iyo taabba-galka dhalinyaranimo waxaa maskaxdiisa iyo fikirkiisa ugu badani ahaan jiray markuu weynaado, halka noloshiisu ku dambayn doonto, aqoonta uu baran doono, iyo meesha uu bulshadiisa ku geli doono. Su’aalahaas oo dhami waa qaar ka weyn inuu si fudud u saadaaliyo, barta ay ku dambayn doonaan iyo inay siduu doonayo uu noqoto iyo inkale. Wuxuu indha-indheyn jiray a dadka bulshada magaca ku leh, ha noqdaan, culimo, aqoon-yahan,

madax ama hal-doorada kale ee caanka ka ah bulshadiisa uu ku dhex noolyahay. Kadibna wuxuu ku deyan-jiray inuu noqdo hebelka uu doortay inuu sidiisa oo kale noqdo ama loo tix-geliyo sida looga tix-geliyo bulshada, kuma uu raaci heybta ama qabiilka uu ka soo jeedo. Kaliya wuxuu ku mashquulsanaa oo uu wakhtigiisa ugu badan galin jirey inuu wax ka ogaado heerarka uu soo maray iyo siduu ku soo gaadhay heerkan uu manta joogo. Kadib na sidaasuu isna dedaalkiisa oo dhan iskugu geyn jirey, wakhtiga iyo waayuhu haday u saamaxaan.

Khasab maaha qofkastaa ba inuu cid ku deydo oo dad badan ilaahay ayaa haybad u siiyay inay naftooda ku kalsoonaadaan oo ay iyagoo aan cid gaar ah farta-ku-fiiqin ayay iskala daalaa-dhacaan marxaladaha kala duwan ee nolosha, Caruurnimo—dhalinyaranimo iyo waliba waayeel-nimo ba. Mararka qaar na qofku wuxu raadsadaa qof ay isku hammi iyo hiigsi yihiin isagoo ay ka reeban tahay qofkan waxbaad isku tihiin ama qofkani waa reer hebel ee waxa kaliya ee isku raaceen uu yahay isku dan iyo iyagoo jiibta iyo jaanta isla helaya. Hadaba, wakhtiyadu way kala duwan yihiin, sida dadku u arkaanna ama ay u dhaqmaan na way kala gedisan yihiin, xiliyadan aynu ku jirno, waxaa is bedelay dhamaan waxyaabahaas aynu soo sheegnay, oo haddii qofku cid ku dayanayo wuxuu ku dayanayaa qof reerkooda ah. Hadduu cid difaacayo wuxuu u difaacayaa waa reerkooda ah, hadduu cid amaanayo wuxuu u amaanayaa waa reernimo, cid hadduu ku soo hal-qabsanayo ama uu tusaale ka dhiganayo wuxuu ka dhigayanaa qof ay isku reer yihiin, hadday doorasho timaadana kaba sii daran oo wuxuu galayaa ol-ole balaadhan oo uu ku difaacayo qofkaas haduu doono yaanu aqoon iyo aragti ba lahaanine.

Haddaad u fiirsato mareegaya internet ka intooda ugu badan waxaad ku arkaysaa qof cid dhaliilaya, iyadoo laga yaabo qofkan wax dhaliilayaa inuu isleeyahay wax toosi. Haddaba, hadaad isla inyar ka dib isla mareegtii hore ku noqoto waxaa suurta gal ah ama ay u badan tahay ba inaad aragto qofkii la dhaliilayay oo qof reerkooda ahi difaacayo kana jawaabayo wixii lagu dhaliilay, waxaa ba laga yaabaa qofkii la dhaliilay inaanu ogayn qofkan wax ka sheegay iyo kan difaacay ba waana ayaan-darrada inagu habsatay. Gabey haddii la tiriyo oo uu cid waxka sheegayo markii ba qaar baa kuu soo jawaabaya. Waxyaabaha ugu badan ee sababayna waa qabyaaladdii oo aad u xoogaysatay. Waxaana masuuliyaddeeda leh dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada haday noqoto madaxda oo marka ay wax doonayaan meesha kaliya ee ay wax ku doontaan ay tahay qabyaalad. Haddii dawladda wax lagu dhaliilo oo la sheego meelo ay ka gaabisay, ama la tilmaamo, waxaa isla markiiba ka dhalata in qofkan dawladda wax ka sheegay sharaftiisa iyo shakhsiyaddiisa meel lagaga dhaco oo aan dib loo eegin waxyaabaha uu qofkani ku dhaliilay dawladda, halkay ka ahaan lahayd in waxqabadka dawladda ee uu shakhsigani dhaliilay dib loo eego wixii sixitaan u baahanna la saxo wixii si fiican loo qabtayna loo soo bandhigo si bulshadu ugu qanacdo. Waxaa kale oo iyaguna doorkooda ka qaata ganacsatada, madaxda dhaqanka, aqoonyahanka, ururada haweenka. Waxaa kale oo iyaguna qeyb laxaad leh ka qaata dhalinyarada oo iyana markay is raacayaan isku raaca reer –reer taas na waxaa ka dhalankara in caruurtii soo koraysay lagu beero xanuunkan qabyaaladda kadib na ay la koraan hadhawna sidan iyo si kadii darani inagu dhacdo. Waxyaaha beryahan inagu soo battay oo dadka qaarkii ilbaxnimo dheeraad ah u arka iyo geesimo iyo guul ay gaadheen in beelo beelo loo shiro oo taasoo dhaliinyaradii ku noqotay majaro-habaabin iyo jaha-wareer hor-leh waayo waxa laga yaabaa laba arday oo asxaab ahaa oo meel wax ku wada cuni jiray oo aqoontu walaalaysay in ay hal shir iskugu yimaadaan oo ay isku bartaan in ay isku qolo yihiin intaa kadibna noocii xidhiidhkoodii hore wax badani iska badalo.

Markaa dhalinyarada iyo caruurtu waxay u baahan yihiin in la hago oo hoga-tusaalayn fiican lagu barbaariyo, si ay bulshadoodu iskugu wada mid noqoto oo aan cidna ku tixgelin qabiil iyo qof-jeclaysi. Cidna aanay ku colaadin cid-necbaysi iyo qabyaalad.

Ayid waad is xigtaaniyo

Idinkaa isku reer iyo

Aqligii lixdankii

Maanta iib geli maayo

******************

Sidaan aaminsanahayna

Abkuu doono ha sheegtee

Wuxuunbaa ehel ii ah

Dadka kaan af aqaano

Ee si wax iila arkaaya

Ee ina midayso ujeedo (Gaarriye” Alle ha u naxariistee)

W/Q: Maxamed Jaamac Meygaag (Action)

Email: action50@gmail.com

Hargeysa, Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here