Danta Qaranku Maaha Ka Dhaanso Ee Waa U Dhaami

0
455

Danta Qaranku Maaha Ka Dhaanso Ee Waa U Dhaami.

Waxaan ku noolnahay wadan yar oo curdina oo kuyaala geeska Africa oo aan haysan ictiraaf caalami ah ama aan wadamada aduunka qaarkii aan lalahayn xidhiidh toosa.Waxaa kale oo jira wadamo badan oo cadaw ku ah jiritaanka Somaliland kuwaas oo ka xun nabadaa iyo xasiloonidaa ka ansaxday wadankeena iyadoo aanay jirin cid ka caawisay ama ka maalgelisay horumarka ay somalialand ka samaysay dhinacwalba iyadoo ay jirto wadamo badan oo inala jaara oo aan haysan nabadaaa iy horumarkaa aan ku naaloonayno.

Ilaa intii Somaliland lagu dhawaaqay 18 may 1991 waxaa isbedelay afar madaxweyne mid kastaana waxqabad muuqda ayuu qabtay kaasoo taariikhda ku xusan oo aan la iloobi doonin wixii uu dalkiisa iyo

dadkiisaba uqabtay.

Hadaba siyaasiga ama cidkasta oo doonaysa inay umada iyo dawlada u adeego ha ogaado madax ilaa mijo waxaa ku waajiba inuu ilaaliyo hantida umada iyo shaqada loo igmaday iskana ilaaliyo musuqmaasuqa iyo waxkasta oo danaha qaranka dib uridaaya ama caqabadaynaaya taasoo ah masuuliyad haddii aan maanta lagaala xisaabtamin uu ilaahay kaala xisaabtami doono.

Hantida umada waxaa ka masuula qof kasta oo dawlada u shaqeeya intii kaga soo hagaagta isagaa ka masuula waa inaaad u ilaalisaa sida aad u ilaaliso hantidaada gaarka haddii aad lexjeclayso handtida qaranka adigu marka hore waxaad gudahatay waajib ku saarnaa takalena waxaa kaa abaalmarindoona ilaahay maadaama ay hantida qaranku umada oo dhan ka dhaxayso.

Xiligan aan joognaa waa xili fitanku badan yahay taasoo dadka qaarkii ay ka fikirayaan sidaad hanti u heshaan iyagoon ka fikirayn xaga ay kasoo galayso iyo inay tahay xalaal iyo xaaraan. Waxa kale oo maanta cad in lagu tartamo ama nin waliba sidii uu hantidaa umada ka dhaxaysa uu wax ugaqabsanlaha laakin waa inuu qorshaha ku daraa inay jirto maalin lagu waydiindoono shilin kasta meeshii uu kasoo galay iyo xaga aad ku bixisay waase muhiima in qofkastaa uu aakhiro xasuusnaado oo uu ogaadaa in aakhiro lagu soo taagi doono iyo umadii aad hantidooda musuqmaasuqday si ay u helaan hantidaa laga lunsaday iyada oo aanay maalintaa shaqaynayn lacag laakin la is dhaafsanaayo camalkii fiicnaa haddii khayr lagaa waayana in shar lagu saaraayo.

Madaxweynaha ,siyaasiyiinta,wasiirada iyo qofkasta oo dawlada u shaqeeyaa waa inaanu ka fikirin inuu hanti ka uruurdasado xoolaha umada oo dhan ka dhexeeya ee loo igamaday balse uu ka fikiro waanaajinteeda iyo harumarkeeda una ilaaliyaa sida uu qofkastaaba u ilaaliyo hantida uu gaarka ah ee uu leeyhay taasoo aanu u ogolayn in shilin laga musuqmaasuqo isaguna uu ogaado in danta qarankuna taasi ay waliba ka sii muhiimsantahay.

Siyaasiyiinta odayaasha iyo salaadiinta ka dhiganaaya salaan hantida umada lagu doonto taasoo ninka siyaasiga ama qofkasta oo doonyaaya inuu hantida umada ka dhaansado waa inuu ogaadaa in fikirkaasi qaldanyahay ee aad ujeedadaa bedesho oo aad marka aad xil doonayso ay kaasoo horayso inaad qaranka u dhaamiso ama aad u adeegto si aad aakhiro ubadbaado waxaa kale oo muhiima in cidkasta oo kugu dhiirigalisa inaad hantida umada lunsato waa khaainulwadan aan badbaadayn aduunka iyo aakhiraba maadaama ay ujeedada xilkiisu ay tahay ka faaidayso intaad joogto.

Madaxweyanahu waa inuu ka fiirsado ninkasta oo uu jago umagacaabaayo oo uu aad iyo aad ubaadhaa taariikhdiisii hore si uu u hubiyo inuu yahay nin nadiifa oo hanankara ilaalina kara hantida umada iyadoo lahelikaro muwaadiniin aqoonteeda leh jago kasta oo banana ka na madhan hanti lunsi iyo musuqmaasuq.

Salaadiinta iyo dhamaan odayaasha waxaa inay ka waantobaan inay xil ladoonaan nin hantida umada aan ilaalinayn ama u socda inuu hantida umada boobo iyaga iyo qofkasta oo taageera ninka doonaaya inuu lunsado hantida umada isagoo ugu soo dhuumanaaaya ama sheeganaaya siyaasi taasoo maanta ay dadku siyaasada u fahmeen tuugo cilmiyeysan oo hantida umada lagu doonto.

WAAD MAHADSANTIHIIN

Abdiqafar Hassan Maal

E-mail: abdiqafaar_85@hotmail.com

Kaliya wuxuu ku mashquulsanaa oo uu wakhtigiisa ugu badan galin jirey inuu wax ka ogaado heerarka uu soo maray iyo siduu ku soo gaadhay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here