Ku Noolow Nolol Bilaa Warwar Ah … W/Q :Maxamuud Maxamed (Abucubayda)

0
706

Ku Noolow Nolol Bilaa Warwar Ah … W/Q :Maxamuud Maxamed (Abucubayda)

Waxa Qofkasta Oo Aduunkan Ku Nool Uu Jecelyahay Gaal Iyo Islaamba In Uu Helo Nolol Bilaa War-War Ah , Sababtoo Ah Warwarka Badan (Stress) Ugu Horeyn Waxa Mahad Iska Leh Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa Inoogu Deeqay Nicmooyin Faro Badan , Waxa Kale Oo Aan U Mahadnaqayaa Websiteka Hadhwanaagnews Oo Suurto Galiyey Faafinta Maqaalkan.

Waxa Qofkasta Oo Aduunkan Ku Nool Uu Jecelyahay Gaal Iyo Islaamba In Uu Helo Nolol Bilaa War-War Ah , Sababtoo Ah Warwarka Badan (Stress) Ayaa Ah Mid Khatar Ku Ah Nolosha Qofka , Kaas Oo Sababi Kara Dhibaato Qofka Ku Habsata Caafimaadkiisa , Farxadiisa ,Firfircoonidiisa , Iyo Hurdadiisa .

Hadaba Waxaan Soo Bandhigayaa 10 Qodob Oo Qofku Hadii Uu Sameeyo Uu Ka Badbaadayo Stresska Ama Warwarka .

1-Ku Dadaal Cibaadada : Oo Wanaaji Xidhiidhka Idiin Dhexeeya Adiga Iyo Rabigii Ku Abuuray.Ku Dadaal

Markasta Inaad Ilaahay Xusto , Oo Aad Badiso Ducada Aad Ilaahay Baryayso ,Kuna Dadaal Inaad Ilaaliso Salaadaha Shanta Ah Xiliga Ay Taaganyihiin Iyo Sunayaasha ,Hana Hilmaamin Inaad Ka Mid Noqoto Kuwa Khayrka Ka Shaqeeya.

2-Hel Hurdo Kugu Filan:Markasta Oo Qofka Soo Jeedkiisu Bato Waxa Ku Dhaca Daal Jidhkiisa Iyo Maskaxdiisa , ,Daalkaas Ayaa Sababi Kara In Buuq Iyo Warwar Ku Furmo Maskaxdiisa .Hadaba Qofku Si Uu Uga Badbaado Warwarka Waa Inuu Ugu Yaraan Seexdaa 7- 8 Saacadood Si Maskaxdiisa Iyo Jidhkiisuba U Nasto.

3-U Sheeg Naftaada Waxyaabaha Aad Ka Warwarsantahay:Markasta Oo Aad Naftaada U Sheegto Caqabadaha Ama Dhibka Ku Haysta Oo Aad Ka Fakarto Talaabooyinka Ugu Haboon Ee Aad Qaadi Karto Waxay Kaa Caawinaysaa Inuu Kaa Yaraado Warwarkii Aad Qabtay.

4-Ku Fikir Waxyaabo Ku Farxad Galiya:Markasta Hadaad Ku Fkirto Waxyaabo Ku Faraxti Galiya Isla Markaana Kuu Horseeda Horumar Iyo Guul Waxa Wanaagsanaanaya Caafimaadkaaga , Waxaanad Ka Xoroobaysaa Waxa Loo Yaqaan Warwarka .

5-Ka Dhig Naftaada Mid Mashquulsan : Waxa La Isku Waafaqsanyahay Markasta Oo Qofka Faraaqiisu Bato Waxa Bata Fikirkiisa , Markasta Oo Qofka Fikirkiisu Batana Waxa Bata Warwarkiisa .Sidaas Daraadeed Waxa Muhiim Ah In Qofku Naftiisa Uu Ku Mashquuliyo Wax Wanaagsan Oo Faa’idadiisa Aduunyo Iyo Tiisa Aakhiraba Uu Ka Helayo.

6-Ku Qanac Wixii Ilaahay Kuu Qoray:Waayo Qofka Sacaadadiisa Iyo Liibaantiisa Waxa Ka Mid Ah Inuu Raali Ku Noqdo Wixii Ilaahay U Qoray , Hadii Ay Tahay Khayr Iyo Sharba .

7-Ha Ka Sugin Qofna Mahadnaq :Hadii Markasta Oo Aad Hawlqabato Aad Sugto In Lagu Yidhaahdo Waad Mahadsantahay , Waxa Dhici Doonta In Lagu Odhanba Waayo Waad Mahadsantahay Taasina Ay Kugu Keento Warwar Sidaas Darteed Haba Ka Sugin Qofna Waad Mahadsantahay.

8- Ka Fogow Cadhada Badan:Cadhada Ayaa Ah Mid Gubta Qofka Jidhkiisa ,Waxaanay Sababtaa Xanuun Nafsaani Ah Oo Qofka Ku Keena Warwar , Sidaas Darteed Waa Inuu Qofku Xakameeyo Cadhadiisa Si Uu Uga Badbaado Warwarka Badan.

9-Isticmaal Waxyaabo Udgoon Iyo Waxyaabo Macaan :Nadaafada Iyo Waxyaabaha Aadka U Udgoon Ayaa Waxa Ay Ka Qaybqaataan Qofka Caafimaadkiisa ,Farxadiisa Iyo, Deganaantiisa . Sidoo Kale Waxyaabaha Macaan Oo La Isticmaalo Iyadoon La Dhaafinayn Xadkeeda Ayaa Sababa Deganaansho.

10-Kor U Qaad Aqoontaada Iyo Waayo Aragnimadaada :Waayo Aragnimo Yarida Iyo Aqoonyaridu Waxa Ay Ka Qaybqaadataa Warwarka Iyo Daganaansho La’aanta , Xaga Aqoonta Iyo Waayo Aragnimadu Ay Ka Siiyaan Qofka Kalsooni U Horseedi Karta Daganaansho.

Maxamuud Maxamed (Abucubayda)

Email:Abucubayda01@Gmail.Com

Tell:+252- 63 – 4196612

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here