25 sano ka Dib s/land Oo Aan Weli Lahayn Qasri Madaxtooyo!!..W/Q Anwar Hussain wayrax.

0
446

25 sano ka Dib s/land Oo Aan Weli Lahayn Qasri Madaxtooyo!!..W/Q Anwar Hussain wayrax.

Walaala yaal qasriga Madaxtooyadu waa astaanta ugu horaysa ee ugu Muhiimsan wax qaran yeesho. Hadaba inkasta oo maanta aynu wada ognahay in aqoonsiga s/land ku xidhan yahay in lahelo Dawlado kale oo Dano ina ga leh ama in aynu inaku intaynu wax qabsano aynu caalamka qasab iskaga dhigno waxay ahayd in wax kasta oo laqaban lahaa laga fuudh yeelo sidii uu dalku u yeelan lahaa qasri madaxtooyo oo ka turjuma dawladnimada iyo qarannimada s/land waayo dunida maanta aynu joognaa waa indho ku Garaadleh waxaad hore u ahaan jirtay iyo wixii ku soo maray midna cidi kugu qiimayn mayso laakiin waxa gudha ee lagugu qiimaynayaa waa maanta waxaad tahay iyo waxaad haysato. walaalayaal Halka

habar England ama Finland qaxooti ku ah ay ka Dhisanayso guri aan qasar ka Dhicin oo aad ku indho daraandaraysid, Halka maamulka yar ee puntland ka Dhistay qasriga madaxtooyada iyo halka Maamulka xasan culusow ee ciidamada afrikaanka ahi ilaaliyaan ka leeyahay qasriga madaxtooyada protokoolkiisu la mid yahay ka caalamka ,s/land weli waxa qasar madaxtooyo u ah Gurigii yaraa ee Morgan Dhistay 30- sano ka hor !!. iyada oo Dalka ay soo mareen 4 Dawladood oo intaa cashuur la qaadayey ayey s/land ku taami weyday in ay samaysato Guri Madaxtooyo oo Macquul ah. 25- sano ka Bacdi madaxweynaha s/land xafiiskiisa oo cidhiidhi ah ayuu ku qaabilaa wufuuda shisheeye ee Dalka soo booqanasaya waayo guriga madaxtooyado ma laha Hool loogu talagalay in madaxweynuhu ku qaabilo wufuuda u imanaysa, sidoo kalena ma laha hool loogu tala galay in shirarka jaraa,id lagu qabto. borotokool xumida ka jirta guriga madaxtooyada waxaad arkaysaa madaxweynihii oo marka uu wufuuda shisheeye la fadhiyo u soo fadhiisanaya sidii uu la shirayo Golihiisa wasiirada !!! ama aabad moodaysid nin shirkad maareeye ka ah oo la shirayaa shaqaalihiisii!!!!!.

waxaan rajaynayaa in fariintaasi u tagto ciday khusayso.

alah mahadle,

Anwar Hussain wayrax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here