Ku Simaha Madaxweynaha oo ciidanka booliska iyo shacbiga ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum gashaanle sare Jaamac Xariir Yuusuf oo Hargeysa ku dhintay

0
427

Ku Simaha Madaxweynaha oo ciidanka booliska iyo shacbiga ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum gashaanle sare Jaamac Xariir Yuusuf oo Hargeysa ku dhintay

TACSI MADAXWEYNE KU-XIGEEN-16/10/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(WSN)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku-simaha Madaxweynaha Somaliland, wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa, Ciidanka Booliska Somaliland, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLA ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle sare Jaamac Xariir Yuusuf oo maanta (16.10.2016) ku geeriyooday magaalada Hargeysa. kana mid ahaa saraakiisha lahaa aqoonta sare ee ciidamada Booliska, gaar ahaan xagga sharciyada tababarrada iyo baadhista.

Sarkaalku wuxuu aqoontiisa ku soo qaatay dalka dibadiisa iyo gudihiisaba. Sarkaalka waxa lagu xasuusan doonaa gudbinta aqoonta, hoggaaminta ciidamada booliska, taasoo uu soo saaray saraakiil da’yar u badan oo uu si haggar la’aan ah ugu gudbin jiray aqoontii uu bartay.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Ciidamada booliska, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.