KUD KA GUUR OO QANJO U GUUR. Qalinka sahal ahmed mahamed

0
443

KUD KA GUUR OO QANJO U GUUR. Qalinka sahal ahmed mahamed

aduunyada wax kaa yaabiyaa wuu badan yahay, waagii baryaaba waayo leh, June-29-2015-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa soo jeediyay amaro uu u arko in lagu yarayn karo shilalka ka dhaca jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera. Wasiirka ayaa amray in dhammaan gaadiidka leh Turuska laga jaro June-29-2015- laga bilaabo.
Wasiir Warancadde, oo ka qayb galay aas Hargeysa loogu sameeyay Saddex Marxuum oo xiligaas ku naf waayay Shil baabuur, waxa uu dhaliilay ciidanka Waddoonyinka iyo darawaliinta gaadiidka, waxaanu amaanay jidka oo inta badan loo aaneeyo shilalka dhac.

hadaba hadaan u gondo dago bartaan holaday ee aan qalinka u qaatay, waan u gu hambalyaynayaa go aankaa sida loo fuliyay oo waa laga wada jaray lkn waxaa soo baxay wax kale oo gaadhiga ku hadahay oo ka xanuun iyo dhaawac badan turuskii oo ah laba birood oo xadiida oo ka hadhay turuskii islamarkaana u fiiqan sida irbada balse kawayn oo aad moodo in loo reebay ilko ay gawaadhida ku qaniinaan, arrinkan oo ay dawladu waxba ka qabanin oo ay arkayso maalin iyo habeen.
hadabawaxaa is waydiin mudan.
1. ma maxay ugu reebteen darawaladu?
2. maxay xukuumadii turuska amartay u arki wayday labadan birood.
waa ay cadahay arrinkaasi maxaa yeelay waxa ay darawaladu u barteen amaro aan caadi u wada fulin oo ay xukuumadu had iyo jeer soo rogto.
dawladu umaba araragto in ay wax hadheen marhaday turuka intiisii hore gooyeen.
walaalyaal hadii wax laysku sheego, mucaaradad maaha, cayna maaha, dhaliilna maaha, waa hoga tusaalayn.

sahal ahmed mahamed