WARSAXAAFADEED Ujeeddo: Beenin Hadal Been-abuur ah oo Afhayeenka WADDANI ka sameeyey guddoomiyha xisbiga KULMIYE

0
369

XISBIGA MIDNIMADA & HORUMARINTA SOMALILANS
(KULMIYE) Date: 07/01/2016
WARSAXAAFADEED

Ujeeddo: Beenin Hadal Been-abuur ah oo Afhayeenka WADDANI ka sameeyey guddoomiyha xisbiga KULMIYE

Hargeysa()WarsugannewsBeen-abuurka iyo hubsiimo la’aantu waxay caado u noqdeen xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo mar walba ay ka soo baxaan hadallo aan xaqiiqda ku salaysnayn iyo eedaymo cunfi been ah ku fadhiya.
Waxa la yaab iyo u qaadanwaa ku noqday xisbiga KULMIYE iyo dadweynaha inta maqashay hadal been ah oo Afhayeenka xisbiga WADDANI Ibraahim Mahdi Buubaa ka jeediyey Burco oo uu ku sheegay in Guddoomiyaha KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi uu dhawaan ku eedeeyey Guddoomiyaha WADDANI inuu isagu haysto xeerarkii doorashada oo horyaal aqalka Golaha Wakiillada ee uu guddoomiyaha ka yahay.
Haddaba, xisbiga KULMIYE waxa uu caddaynayaa in hadalkaasi ka soo yeedhay Afhayeenka WADDANI yahay been-abuur cad oo aanay waxba ka jirin, sababta oo ah ma jirto meel Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi ku yidhi ama ka sheegay eedaynta noocaas ah iyo warbaahin uu kaga hadlay arrimaha siyaasadda iyo xisbiyada toona.
Sidaasi darteed, waxaannu xisbiga WADDANI kula talinaynaa in hadallada ka soo baxaya iyo maagista masuuliyiinta kale noqdaan qaar run iyo xaqiiq jirta ka turjumaysa, isla markaana waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kana waantoobaan hadallada been-abuurka ah ee ay u sheegayaan shacbiga Somaliland.
Alla Mahad Leh

Xoghayaha Guud ee xisbiga kulmiye
XASAN SICIID YUUSUF