KULMIYE wuxu tageeraya gurmadka abaaraha iyo go`aanka lagu hakinayo diiwangelinta. (Afhayenka KULMIYE Sweden: Hassan Ahmed Buluke (jamuri).‏

0
323

KULMIYE wuxu tageeraya gurmadka abaaraha iyo go`aanka lagu hakinayo diiwangelinta. (Afhayenka KULMIYE Sweden: Hassan Ahmed Buluke (jamuri).

Anigoo ku hadlaya magaca Hogaanka iyo tageerashaasha xisbiga KULMIYE ee dalka Sweden waxaanu taagerayna go,aanka uu hormuudka ka yahay xisbiga KULMIYE xukuumad ahaan iyo xisbi ahaanba ee loogu gurmanayo abaaraha sii kululaaday ee saameynta naf iyo maalba ku yeeshay dadkeena.KULMIYE wuxu unaxaya dadkiisa wuxuna awoodiisa isugu geynayaa gurmadka abaaraha iyadoo wax walba laga hor marinayo badbaadinta nafta iyo xoolaha sida dastuurkeenu qeexayo gaar ahaan markay timaado masiibo qaran.

Go,aanka Gudomiyaha Xisbiga KULMIYE mudane Muse Biixi Cabdi waxaa weeye inaan awoodeena isugu geyno gurmadka abaaraha debed iyo gudaba lana hakiyo waxkasta oo kaleba maadama abaartii kasii kululaatay sidii lafilayey kuna sii fiday dalka oo dhan. Iyadoo ay muuqato inay abaartii kasii dartay gobolada galbeedka taaso dad badani kasoo gudbeen Ethiopia iyo isagoo tixgelinaya baahida jirta iyo dalabka ka imanaya deegaamada. Waxa kaloo ay kusii fiday gobolada bariga iyo meelo badan oo kale. Sidaa aawadeen waxa laga codsanayaa in loo wada gurmado abaaraha.

Waxaa xusid mudan in Xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisu ay ka dhabeeyeen inay dalka ka hirgeliyaan diiwaangelinta codbixiyaasha oo aan ku noqnoqosho iyo madmadow lahayn iyadoo lakeenay qalabka casriga ah ee laga isticmaalo dunida horumartay. Taasi waxay muujinaysa siduu xisbiga kulmiye iyo madaxdiisu daacad uga yihiin horumarka geedi socodka demoqradiyada iyo xisbiyada badan si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ahi. Taaso kamida waxayaabaha aanuu ku faanayno hirgelintooda.

Waxaan ka codsanayaa dadka reer Somaliland iyo saaxiibadeena caalamkaba inay u midoobaan gurmadka abaaraha oo aanay dheg u dhigan Xisbiga Wadani oo diiday in dadka loo gurmado oo uu u hogaansamo go,aanka Qaranku ka qaatay abaartan dhiig baxa ku noqotay dadkeena tabaalaysan. Waxa nasiib daro ah Xisbiga Wadani oo ay dadka reer Somaliland ogyihiin siduu uga horyimaado waxkasta oo horumar ah oo dalka ka socda sida wadadii Ceerigabo inuu maantana ka horyimi gurmadka abaaraha.

Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Sweden & Gudomiya Skåne.

Hassan Ahmed Buluke (Jamuri)