Laba Nin oo Isku Reer Ahi Afka Ciidagale Kuma Hadli Karaan,Beeshu Waa Kulmiye Yaan Been La Isku Sheegin “Caaqil Mawliid Caaqil Iiman Caaqil Mooge Dhoyla

0
806

“ Laba Nin oo Isku Reer Ahi Afka Ciidagale Kuma Hadli Karaan,Beeshu Waa Kulmiye Yaan Been La Isku Sheegin “Caaqil Mawliid Caaqil Iiman Caaqil Mooge Dhoyla

Hargaysa(Warsugannews) Chief Caaqil Mawliid Caaqil Iiman Caaqil Mooge Dhoyla oo Ka mid ah Madax dhaqameedka Koonfurta Hargaysa Iyo Degmada Salaxley ayaa Ka Hadlay Shir Dhowaan ka Dhacay Masalaha Hargaysa oo la sheegay in Uu soo Abaabulay Xisbiga Wadani Ayaa si adag Uga Jawaabay waxaana uu sheegay Inaanay Haba yaraatee Xubnahaasi Metelin Beesha uu kazoo jeeda isla Markaana Masiirka Beesha Ciidagale Aanu ahayn meesha Ay la Aadeen Balse uu yahay Meel Lagu Wada Ogyahay oo Umada Oo dhamina wada Taqaano

Caaqilka Waxaa uu Taageeray Hadalkii Uu Jeediyay Suldaan Maxamed Suldaan cabdiqaadir ee uu Kaga hadlay Xaalada Shirkan ka Dhacay Xaafada Masalaha ee Magaalada Hargaysa Kaasi oo Suldaanku eeda dusha Ka Saaray Xisbiga Wadani oo ku Tilmaamay inay Fidmo Wadaan,Isagoo Caaqil Mawliid Caaqil Iiman Caaqil Mooge Dhoyla Intaasi raaciyay in Beesha Ciidagale ee uu kazoo jeedo ay Taageersan tahay Xisbiga Talada Dalka Haya ee Kulmiye

Caaqil Mawliid Caaqil Iiman Caaqil Mooge Dhoyla oo arimahaasi ka Hadlaya Waxaa Hadalkiisa Ka Mid ahaa “ Aniga Oo Ah Jeef Caaqil Mawliid Caaqil Iiman Caaqil Mooge Dhoyla Waxa Halkan Aan Ka Cambaaraynayaa Shirka Ay Leeyihiin Qarxajis Ayaa Ku Midoobay Waxa Aan Sheegayaa In Aanay Waxba Kajirin Sida Uu Suldaanku Idiinsheegay Mida Kale Laba Nin Oo Isku Reera Afka Ciidale Kuma Hadli Karan Beeshu Wey Tashatay Waxayna Ku Tashadeen In Ay Kulmiye Yihiin Markaa Dadka Halaga Daayo Beenta”