Lixda goobood ee dal-dalan xeer ,xeegaan iyo sharci ahaan ba waxa ay ka tirsanyihiin gobolka Awdal

0
402

Lixda goobood ee dal-dalan xeer ,xeegaan iyo sharci ahaan ba waxa ay ka tirsanyihiin gobolka Awdal waxa cadeynaya xeerka kala xadeynta gobolada iyo degmooyinka (LR.23/2002) dib u habeynta 1aad (2006) . By Dr.khadar maxamed faahiye.

Awdal calool la dego ayey leedahey ee cidhif la dego malaha!!

Somaliland waa dal dhisan oo u qaybsan gobolo iyo degmooyin isberber yaala oo wadaaga xuduudo kala xadeeya, si ay u fududaato habka is-maamulka gobolada iyo degmooyinka ,horumanta bulshad , kaaba yaasha dhaqaale iyo tirakoobda si ay u suura gasho waxyaabo badan oo saameeya noloshooda ay ka mid tahey ,diwaan galinta madaniga h, qaadashada kaadhadhka cod bixiya yaasha doorashooyinka ee dalka ka qabsoomi doona marka ay mudnaato.
Lixda goobood ee dal-dalan xeer ,xeegaan iyo sharci ahaan ba waxa ay ka tirsanyihiin gobolka Awdal waxa cadeynaya xeerkii golaha wakiiladu ansixiyeen( 2006):-

Xeerar kiina waa kuwan :-

Qodobka 7’aad XUDUUDAHA GOBOLADA IYO SOOHDIMAHA DEGMOOYINKA

1. Xuduudaha Lixda Gobol Ee JSL ka kooban tahay waxay ku salaysan yihiin Xuduudahii ay lahaan jireen lixdii Degmo Ee Waaweynaa Ee jiray xiligii Ingiriiska ka hor 26/06/1960 Ee kala ahaa Hargeysa, Burco, Ceerigaabo, Laascaanood, Boorama iyo Berbera kuwaasoo isku beddelay Gobolladda JSL hadda ka kooban tahay.

2. Degmooyinkii hore loo magacaabay xiliyadii xukuumadihii hore ee Soomaaliya kana farcamay lixda Degmo Ee ku Xusan Qodobkan faqradiisa 1aad, waxay noqonayaan xuduudihii Degmooyinka xiligii Ingiriiska Ee ay ka farcameen Ee hadda ah Gobollada JSL, marka laga reebo gobolka Saaxil o ay degmada xagal ku soo biirtay.

3. Degmada Baligubadle oo la magacaabay xiligii halganka iyo Degmada Salaxlay oo lagu
go’aamiyey Shirweynihii 3aad ee 1997 ee Beelaha Somaliland, waxay xuduudahoodu ku ekaan doonaan, oo lagu saleeyey goobihii Codbixinta Aftida Dastuurka ee ay ka hawlgaleen.

4. Degmooyinka darajada “D” inta ka horeysa qiimeyntooda iyo sugida kala xadayntooda xukuumaddu waxay u sii magcaabaysaa maamul ka kooban Gudoomiye,Gudoomiye ku xigeen iyo Xoghaye Fulineed.

5. Qiimeynta iyo kala xadaynta degmooyinka “D”,wasaaradda Arrimaha Guduhu waa in ay ku soo dhamaystirtaa muddo aan ka badnayn (laba iyo toban bilood)gudahood oo ka bilaabanta taariikhda dhaqan-galka Xeerkan,iyada oo loo raacayo shuruudaha ku cad qodobka 3aad ee Xeerkan.

6. Degmooyinka darajada “D” waxa loo samayn doonaa Golayaal Deegaan marka Xuduudahooda la sugo dib u qiimayn Degmona lagu sameeyo Goleyaashuna Ansixiyaan.

7. Degmo kasta oo la magacaabo waxay xuduudaheedu ku jirayaan xuduudihii Gobolka iyo soodimihii Degmada ay ka farcantay, sida ku cad xarafyada kala ah A,B,C Ee Qodobkan.

Dr.khadar maxamed faahiye
dr.khadar05@gmail.com