Liyuu Booliska Iyo Xasuuqyada Ay Geystaan Q…1aad

0
633

Liyuu Booliska Iyo Xasuuqyada Ay Geystaan Q…1aad
W/Q: Cali Cabdi Coomay

Aasaaskii Liyuu Booliska
Kelmada liyuu waa af-amxaari micnaheeduna yahay shay cusub. Ciidankan waxa la aasaasay sannadkii 2007-dii, sababata samayskoodu wuxuu ka dambeeyey markii ay jabhadii ONLF weeraro joogto ah ku qaaday Petrona oo ahayd shirkadii gaasta cad ka baadhaysay deegaanka Soomaalida Itoobiya (African Oil Company). Ciidanka waxa bilowgii hore madax ka ahaa madaxa nabadgeliyada Cabdi Maxamuud Cumar (Iley) oo imika ah madaxweynaha kililka shanaad. Muddo kooban gudahood waxa ay ku noqdeen cudud milateri, oo deegaanka kililka shanaad waxa ay doonaan ka sameeyaaan. Madaxda ciidankani 95% waa Ogaadaan gaar ahaan Beesha Cabdi Iley-Ogaadeen, reer- Cabdulle, reer- Ugaas Kooshin. Qaar ka tirsan ciidanka Liyuu Boolisku waa xubno la soo xero-geliyey oo ka tirsanaa jabhada ONLF, loona liqimay inay cadawgooda ka aarsadaan. Jugtii hore waxa ay ciidankan Liyuu Boolisku xasuuq cag ku mariyeen deegaanadii ay lahayd Beesha Ogaadeen, ee aan ahayn haybta reer Cabdulle, gaar ahaan Reer Ugaas kooshin, oo uu ka soo jeedo Madaxweynaha Kililka shanaad Cabdi Maxamuud Cumar (Iley). Ciidanka Liyuu Boolisku waxa ay kumanaan qof ku soo xasuuqeen deeganadoodiina dab-qabadsiiyeen Jufada Ogaadeen Reer Isaaq.

Saraakiisha ciidanka Liyuu Booliska waxa hogaamiya qaar ka tirsan saraakiishii sare ee taliskii Maxamed Siyaad Barre, ee ay afka ciida u dareen jabhadii SNM, markii ay dhacday dawladii Siyaad Barre ayay saraakiishaasi ku noqdeen deegaankoodii ay markii hore ka soo haajireen (Kililka Shanaad), ka dib waxa lagu taxay darajooyinkii ay hore u lahaayeen, waxaana la faray inay u dhaqmaan siday u dhaqmi jireen dawladii Maxamed Siyaad Barre. Waxaanad maanta ka garanaysaa siday xasuuq-wadareedka ugu geystaan shacabka Kililka Shanaad degan ee isir ahaan ka soo jeeda Soomaalilaan (Isaaq). Saraakiisha sare sare ee ciidanka Liyuu Boolisku waxa toos uga amar qaataan Madaxweynaha Kililka shanaad Cabdi-Iley, waxaanu awood u siiyey inay waxa ay doonaan ka sameeyaan deegaanada Kililka shanaad ee Itoobiya, sida dil, dhac, kufsi, iyo inay dad nool aasaan.

Ujeedada Dagaalka Liyuu Boolisku Muxuu Salka ku Hayaa?
Dagaalka ay ciidanka Liyuu Boolisku ku hayaan shacabka Kililka Shanaad gaar ahaan dadka isir ahaan ka soo jeeda Soomaalilaan (Isaaq), wuxuu daaran yahay dagaal afar weji leh:

• In Liyuu Boolisku barakiciyaan Beelaha Isaaq, taasi beddelkeedana ay la wareegaan dhulkooda, aakhirkana deegaankooda siiyaan Beesha Ogaadeen, iyaga oo ku-talagalkooduna yahay inay Beesha Isaaq laga soo tallaabiyo xadka ay Itoobiya la wadaagto Soomaalilaan. Maadaama oo ay Ogaadeenku sheegtaan in hore Beesha Isaaq uga qaaday deegaanka ay haatan degan yihiin.
• In Liyuu Boolisku ay Soomaalilaan iyo Xukuumada Fedaraalka Itoobiya colaad dhexdhigaan, ka dibna Soomaalilaan ay ku furan dagaal laba weji leh, kana bilaabma dhinaca Puntland iyo dhinaca Itoobiya
• In Liyuu Boolisku ay dagaal qarsoon kula jiraan Soomaalilaan, iyaga oo aaminsan inay Madaxda Soomaalilaan ka burburiyeen dawladii Maxamed Siyaad Barre ee ay xaqa u arkayeen, kuna abtirsanayeen.

• In Liyuu Boolisku ay wiiqaan dawladnimada Soomaalilaan iyaga oo u arka inay Soomaalilaan leeyihiin Beesha Isaaq keligeed, ka dibna carqaladeeyaan xidhiidhka ammaan ee u dhexeeya Soomaalilaan iyo xukuumada Fadaraalka Itoobiya, si meesha looga saaro is-dhaafsiga shakhsiyaadka ONLF ka tirsan ee Itoobiya dhibta ku haya iyo kuwa Soomaalilaan dhibta ku haya, loona burburiyo dawlada Soomaalilaan ee Beesha Isaaq iska leedahay.

Ciidanka Liyuu Boolisku waxa xasuuq ah kama geysataan deegaanada Daaroodka, gaar ahaan Majeerteenka iyo Dhulbahantaha, taasina waxa ay daliil cad u tahay in maamulka Kililka shanaad (Ogaadeen), ay ku dhaqmayaan qabyaalad qaawan. Sidoo kalena arkimaysid Liyuu Booliska oo xasuuqaya deegaanada Ciisaha iyo Gadabuursiga. Dhinaca kale markii ay badatay caddaalad-daradu ayey Beelaha JAARSO iyo GARI ku biireen is-maamulka Oromada.

Sheekh Aadan-Siiro Oo Meel Cad ka Istaagay Xasuuqa Liyuu Booliska
Sheekh Aadan X. Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro) oo inta badan si joogto ah, oo aan gabbasho lahayn uga hadla dhacdooyinka ka dhaca Soomaalilaan iyo shacabkeeda, ayaa khudbadii jimcaha ee wiigii uu dhacay xasuuqii Jaamaca Dubbad si qoto dheer uga hadlay wixii hore u dhacay iyo waxa haatan taagan. Sh. Aadan-Siiro wuxuu ku bilaabay hadalkiisa inuu doonaya inuu si kooban uga hadlo xasuuqii Jaamaca Dubbad ka dhacay, wuxuu soo taxay mowjado taariikhaha ku suntan oo hore ay u geystaan ciidanka Liyuu Boolisku. Wuxuu sheegay inay xasuuqyo kala duwani hore uga dhaceen deegaanada, Xarshin duleedkeeda, Laanqayrta hawdkeeda, Kaam-abokor hawdkiisa, Gaashaamo oo hore uga dhacday, oo aan tan cusub ahayn iyo hawdka Dhoqoshay.

Dhammaan dadkaasi waa reer Soomaalilaan, markay arrintu halkaasi marayso, ayuu Sh. Aadan-Siiro su’aal geliyey nooca istaraatijiyad ah ee Reer Soomaalilaan ka leeyihiin xasuuqa dhacaya? Sh. Aadan-Siiro wuxuu si cad farta ugu fiiqay in la doonayo in la tirtiro dad ilaahay ku abuuray deegaankoodi, laguna beerayo dad kale, caqlan wa sharcan wax la aqbali karayo maaha, in maatada iyo dadka aan waxba galabsan la’laayo. Markaan xasuuq ka hadlayo adeer kama hadlayo Qabaa’iil, laakiin waxa aan ka hadlayaa dad dirays xidhan magac dawladeed sita oo ummadda ku xasuuqaya. Qabaa’ilku way islaayaan waana la dhexgalaa oo la heshiisiiyaa. Waxa aan xukuumada ugu baaqaynaa inay soo bandhigaan istaraatijyad cad oo ummadeed oo caqli ku dhisan. Aqbali karimayno in maalin kasta la yidhaa intaasi oo qoys iyo hantidoodii ayey dad dirays sitaan oo magaca dawladeed huwani laayeen.

Ugu dambayntii wuxuu Sh. Aadan-Siiro xukuumada ugu baaqay inay xukuumada Fadaraalka kala hadlaan arrimahan xasuuqa ah ee soo noqnoqonaya, oo aanay ku meeraysan dad aanay aragtidoodu dheerayn. Wuxuu Sh. Aadan-Siiro khudbadiisii ku soo xidhay, “Ha u qaadan marka dad deegaan ka tirsan la’laayo in aanay adiga ku soo gaadhayn, meel kasta way ka dhacday. Markaa sannad kasta ma waxa aynu sugnaa 40 qof ayaa la diley, oo dad hubaysan oo magac dawladeed sitaa laayeen. Dadka deegaanka Kililka shanaad degan ee reer Soomaalilaan waxa aanu kula talinaynaa inay Jaamacadaha Itoobiya galaan oo ciidanka galaan oo xafiisyada dawlada ka shaqeeyaan, ileyn waa dhulkoodii ilaahay ku abuuray ‘e. laakiin haddii mid kasta oo wax soo bartaan yimaado Hargaysa, Buro, Gabiley, Berber iyo Ceerigaabo waa dhibaato, oo fursadii meesha lagaga saarayey iyaga ayaa keenaya”.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan, Calicoomay@hotmail.com
La soco Qaybaha Dambe………………………….