Tartan-midabeedka Xiisaha Xaggaaga iyo Xarragada Hoyga

0
362

Hargeysa(Warsugannews)Shirkadda Ganacsiga Qalabka Guryaha iyo Xafiisyada ee AlnuuR Furniture, ayaa markii ugu horreysay bilawday tartan-midabeed noociisu ku cusub yahay Somaliland iyo dhulka Soomaalida-ba, kaasoo Midabbada ama Noocyada Muuqa uu qof kastaa jacelyahay ku tartamayo, isla markaana Ruuxa midabka dookhiisu guulaystaa Abaal-marin ku mutaysan doono.

Sidaana waxaa lagu sheegay Warmurtiyeed ka soo baxay Madaxa Suuqgeyta Shirkadda C/qani Maxamed Xuseen, isagoo dhammaystirana waxaa u qornaa sidan;

“Waxaanu bilawday tartan-midabeed noociisu ku cusub yahay Somaliland iyo dhulka Soomaalida-ba, kaasoo Midabbada ama Noocyada Muuqa uu qof kastaa jacelyahay ku tartamayo, isla markaana Ruuxa midabka dookhiisu guulaystaa Abaal-marin ku mutaysan doono.
Waxay Shirkadda AlnuuR Furniture Barnaamijkeeda Xiisaha Xagaaga iyo Xarragada Hooyga, ku soo bandhigtay midabbo kala duwan oo ay ku tartamayaan Hablo iyo Hooyooyin kala duwan, kuwaas oo ay mid waliba dooranayso midabka dookheedu ka helay amaba ay jeceshay inay gurigeeda dhigto amaba ay qaarkood dhigteen, kaasoo qaybaha kale ee Bulshaduna midabbada lagu tartamayo u kala codaynayaan qof waliba qofka uu dookha la wadaago.
Midabbada lagu tartamayo waxaa ka mid ah Caddaanka, Xareedda, Caddaan-madaw, Binki iyo Bunniga, kuwaasoo ay ku tartamayaan Shan Haween ah oo ay ka mid yihiin Fannaanadda Asmo-Love, Weriyeyaal iyo Gabdho kale, waxaana Cod-bixinta lagu kala dooranayo Midabbadaas lagu tartamayo Qof kastaa ka dhiiban karaa Codka Dookha uu taageerayo Bayjka ay Shirkadda ALnuuR Furniture leedahay Bar-kulanka Bulshada ee Facebook. https://www.facebook.com/Alnuurfurnitures/
Tartamayaasha Midabkoodu ku guulaysto kaalinta koowaad iyo labaad, waxay heli doonaan Abaal-marrinno kala duwan oo oo ay Shirkadda AlnuuR Furniture ugu talo-gashay.
Sidoo kale, Barnaamijkan wuxuu fursad siinayaa dadka codeeyayaasha ah oo iyaga laftoodu qayb ka yihiin fursado ay ku heli doonaan abaal-gud ay ka mid yihiin Taleefannada Smart Phones iyo Ipad iyo agab kale, shuruuduna waxaa weeye in qofku Like Gareeyo, share gareeyo Pageka Alnuur ku leedahay Facebook ee https://www.facebook.com/Alnuurfurnitures/, sidoo kalena waa inaad ka comment garayso dookhaad taageersantahay.

Waa markii ugu horreysay ee Tartan loogu tartamayo Midabbada Agabka Guryaha la dhigto ee Furniture-ka lagu qabto Somaliland iyo weliba guud ahaan dhulka Soomaalidu. Sidoo kalena, waa markii ugu horreysay ee ay Shirkad Waddani ahi soo bandhigto Tartan noocan oo kale ah.

13518009_1023741094389041_1332046291_o

12923282_486706484868291_6830596117202819608_n

13493589_1023741124389038_1555350318_o

13493702_1023741047722379_1427825094_o

13509842_1023741061055711_1905905748_o

13517703_1023741107722373_236869427_o