Louis Van Gaal oo furka ku tuuray Moreno kaddib markii uu si halis ah u dhaawacay Luke Shaw

0
364

Louis Van Gaal oo furka ku tuuray Moreno kaddib markii uu si halis ah u dhaawacay Luke Shaw

Manchester(warsugannews) Tababaraha Manchester United Louis Van Gaal, ayaa ku dhaleeceeyey Hector Moreno shaaftaddii uu la kacay Luke Shaw taas oo dhaawac halis ah u geysatay daafaca.

Shaw oo xalay sida uu sheegay Van Gaal ooyay ayaa la filayaa in uu ugu yaraan garoomadda ka maqnaan doono 6 bilood.

Van Gaal waxa uu yiri: “Waa wax aad u xun. Wiilka waxa uu ku jiray xilli ciyaareedkiisii labaad si cajiib ah ayuuna u dheelayey. Hadana waxan ayaa dhacay.

“Naqas ayaa af-ka laga siinayey wuuna ku ooyayey aqalka labiska. Waa in aad adiga qiimeysaa. Hadii aan dhoho waxa ay ahayd kaar cas iyo gool ku laad waxaan noqonayaa guuldaresyte xun. Waxa ay ahayd shaafto aad u xun.”
shaw

Van-Gaal

show

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here