U Jeedkeygu ma ahayn inaan dhaawaco Luke Shaw.”. Moreno

0
413

U Jeedkeygu ma ahayn inaan dhaawaco Luke Shaw.”. Moreno

Eindhoven(warsugannews) 16 Sebtember 2015. Daafaca kooxda PSV Hector Moreno ayaa ka raali galiyay dhaawicii jabka ahaa uu u geystay daafaca Man United ee Luke Shaw isagoona carabka ku adkeeyay in gabi ahaan wixii dhacay ay ahayd kama isla markaana uusan u jeedkiisu ahayn inuu dhaawac u geysto.

Dhaawaca uu daqiiqadii 15- aad Moreno u geystay Shaw waxa ay qaadatay 7-daqiiqo in la daweeyo laacibka iyadoo markii dambe garoonka looga saaray bareele isla markaana loo xiray qalabka laga qaato Oxygen-ka.

Man United ayaana xaqiijisay in daafaceeda garabka bidix uu la dhibtoonayo jab labo meel ka soo gaaray luga midig iyadoo uuna iminka u soo duulayo magaalada Manchester si qalliin loogu sameeyo.

“Dhab ahaan aad ayaan uga xumaaday isaga, xumaan ayaana dhab ahaan dareemayaa maxaa yeelay waan garanayaa sida uu yahay dhaawaca,” Mereno ayaa sidaa u sheegay SBS.

“Tan oo kale way igu dhacday sidoo kale intii lagu guda jiray koobkii adduunka kulan aan la yeelanay Natherland. Waxaan doonayaa inaan u rajeeyo isaga wanaag dhammaantiis, laakiin qasadkeygu ma ahayn inaan dhaawoco isaga.

Macallinka PSG Phillip Cocu ayaa sidoo kale qiray in laacibiinta kooxdiisa xitaa ay saameysay dhaawaca daran ee soo gaaray Shaw.

“Aad ayaan uga xumaaday dabcan, waa dhaawac aad u xun,” ayuu yiri tababare Cocu.

“Waa laacib wayn, muhiim u ah kooxda, marka uu laacib kastana uu garoonka uga boxo dhaawac ceynkan oo kale ah waa nasiib darro, xitaa ciyaartoydeena waa ay saameysay.”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here