“Dabcan, waan ku faraxsanahay rikoodhka aan dhigay laakiin hadafkeygu waa midkan.”. C. Ronaldo

0
385

“Dabcan, waan ku faraxsanahay rikoodhka aan dhigay laakiin hadafkeygu waa midkan.”. C. Ronaldo

Madrid(warsugannews) Cristiano Ronaldo ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsanyahay noqoshadda laacibka ugu goolasha badan Champions League ebid.

Ronaldo waxa uu hada ka sareeyaa Lionel Messi saddex gool kaddib markii uu xalay dhaliyey saddexley kulankii Shakhtar Dontesk.

Waxa uu sheegay in uu ku faraxsanyhay meesha uu gaaray balse hadafkiisa kowaad uu yahay caawinta Real Madrid.

“Waan ogaa rikoodhkan in uu si dabiici ah oo bilaa cadaadis ah ku iman doono,” ayuu u sheegay BT Sport.

“Waa wax wanaagsan dabcan, been ma sheegayo, aad ayaan farxad u dareemaya laakiin tan ma aha hadafkeeygiii- hadafkeyga waa in aan xilli ciyaareedka oo dhan wanaagsanaado oo aan kooxda guulo ku caawiyo, taas ayaa ah tan ugu muhiimsan oo aan koox ahaan u guuleysano.

“Waxaan rajeynayaa in goolasheyda ay kooxda caawiyaan laakiin kalsooni ayaan dareemayaa, wanaag ayaan dareemayaa waxaana rabaa in aan sidan ku sii socdo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here