Yaya Toure: Juventus Nasiibka ayaa caawiyay”

0
408

Yaya Toure: Juventus Nasiibka ayaa caawiyay”

Manchester(warsugannews) Laacibka qadka dhexe ee kooxda Man City Yaya Toure ayaa ku andacooday in kooxda Juventus uu nasiibku caawiyay kadib guushii ay xalay ku gaareen Etihad Stadium.

Man City ayaa gool la hormartay qaybtii hore laakiin laba gool oo ka kala yimid Mandzukic iyo Morata taas oo u suuro galisay kooxda reer talyaani inay guul ka gaarto kooxda macalin Pellegrini.

Yaya Toure oo la hadlay saxaafada ciyaarta kadib ayaa yiri:

“Wuxuu ahaa kulan niyad jab leh, Juve si fiican ayeey u difaacatay shabaqeeda, laakiin nasiibka ayaa caawiyay waayo si xun uma ciyaarin, waxaan oo kale waa ay ka dhacaan kubadda cagta”.

“Waa inaan ka gudubnaa oo aan ahaanaa kuwo xoogan, si aan u sii wadno kulamadeena koobka horyaalada yurub”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here