Jose Mourinho oo ciqaab layaab leh ku soo rogay kooxda Chelsea

0
374

Jose Mourinho oo ciqaab layaab leh ku soo rogay kooxda Chelsea

London(Warsugannews) Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa ciqaab layaab leh ku soo rogay kooxdiisa kadib bilowga xun ee kooxdu ay ku soo bandhigtay xiliciyaareed kaan horyaalka.

Telegraph ayaa shaaca ka qaaday in tababare Jose Mourinho uu u diiday ciyaartoydiisa iyo xitaa shaqaalaha guud ee kooxda inay isla kaftamaan.

Sharcigaan cusub ee Mourinho uu ku soo rogay ciyaartoydiisa waa mid uu ugu danleeyahay in ciyaartoyda ay xooga saaraan shabaqooda isla markaana ay iska hilmaamaan farxad oo idil.

Chelsea oo caawa M.Tel-Aviv laciyaari doonta koobka horyaalada yurub ayaa hadana garoonkeeda ku marti qaadi doonta kooxda Arsenal kulanka 6-aad ee horyaalka ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here