Rio Ferdinand: Pogba wuxuu ku guulaysan doona Ballon d’Or”

0
451

Rio Ferdinand: Pogba wuxuu ku guulaysan doona Ballon d’Or”

Hargeysa(Warsugannews) Laacibkii hore ee kooxda Man United Rio Ferdinand ayaa ka hadlay xaalada laacibkii hore ee ay isku kooxda ahaayeen xili uu qiray in Ferguson uu ku qaldamay inuu iska fasaxo Pogba.

Rio Ferdinand ayaa sheegay inuu uga digay Pogba in uusan ku biirin Juventus laakiin wuxuu intaa ku daray in Pogba uu u sheegay inuu doonayo inuu noqdo laacibka ugu fiican aduunka.

Xili uu la hadlayay BT Sport ayuu yiri:

“Waxaan waydiiyay, maxaad u baxaysaa? halkeed aadaysaa? Juventus miyaad u socotaa? horyaalkaas ma ahan mid u wanaagsan sida kan ingiriiska oo kale, waxaad joogtaa Man United, halkeed u socotaa? maxaad samaynaysaa?”.

“Isaga oo wajiga kaduudaya ayuu iigu jawaabay: “Waxaan doonayaa inaan noqdo laacibka ugu fiican aduunka, mana ciyaarayo, waxaan doonayaa inaan baxo oo aan ciyaaro”.

“Waxaan aminsanahay inuu leeyahay shaqsiyad uu ku noqon karo laacib fiican, waxaan aminsanahay in Pogba uu ku sii socon doono sidii uu u noqon lahaa laacibka ugu fiican aduunka 3-da ilaa 4-ta sano ee soo socda”.

“Wuxuu helay shaqsiyad ka dhigi karta laacibka ugu fiican aduunka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here