Lugooyada Jamaal, Lurta Cabdiraxmaan Iyo Lulashada Muuse!

0
653

Lugooyada Jamaal, Lurta Cabdiraxmaan Iyo Lulashada Muuse!
Abuurida fursadaha siyaasiga ahi marba waxay leeyihiin heerar kala duwan kuwaas oo meertadu jaangooyn u tahay. Gaadhida hanka siyaasaddeed waa mid u baahan ka baaran dag badan iyo feejignaan dheeraada oo ay ku lamaan tahay taxadar iyo heelanaan leh hamuun sare!
Dabcan markaynu ka hadlayno fursad iyo gaadhideeda waxaan meesha marnaba ka madhnaanay caqabadaha iyo ciriqyada siyaasiga ah, kuwaas oo ku sar go’an hilanka dheer uu siyaasigu haweysanayo. Waxaase lagu kala baxaa waa shaxda iyo hilanka loo maro.
Jamaal Cali Xuseen sida aynu ognahay waa musharaxa xisbiga Ucid tan iyo dib u jidiidintii lagu sameeyay xisbiyada siyaasadda soomaalilaand, haddaba siyaasadda ka hor waxaynu ognahay in Jamaal uu ka soo shaqeeyay bangi ah kuwa dunida ugu tunka weyn ah, sidoo kale intii aanu masrax siyaasadda imana wuxuu wadanka ku soo galay dardar culus oo uu is baray bulshada siiba dhalinyarta isagoo inta badan ku caano maalay in loogu yeedho aqoonyahan, sidaa darteed waxay naanaystaasi iyo magacaa uu kasbaday in wax badan laga fisho inuu qaranka ku soo kordhin karo, waxaanay bulshadu aad u soo dhaweysay markii uu lugta la soo galay siyaasadda, sababta ugu weyn ee loo soo dhaweynayay may ahayn karti iyo hufnaan ay ku bartay bulshadu oo uu ugu adeegay balse waxay ahayd inuu dhalinyar yahay isla markaan uu dhiig cusub oo damqanaya lee yahay.
Balse farxadii iyo filashadii waxay meel madhan noqotay markii Jamaal cali xuseen lagu hungoobay, hiigsigiisii iyo himiladiisiina ay noqotay masharax madaxwayne ayaan ahay?.
waxaanay bulshadu is waydiinaysaa waxa uu saaxada ku soo kordhiyay? Marka laga reebo inuu musharax yahay? Taas oo ah lugooyo siyaasadeed iyo hungo ku dhacday filashadii!
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) sidaad ogtihiin waa asaasaha iyo gudoomiyaha xisbiga ugu da’da yar wadanka maaha se nin ku cusub bulshada iyo masraxa, wuxuu nasiib u helay inuu xisbigiisu badalo xisbigii balaysimay xisbiyada, inta badan doorashadii uu ku soo baxay wuxuu helay codad tiro badan inkastoo dadka qaar dhaliilaan codadkaas, yeelkoode. Gudoomiye cirro wuxuu horseeday taariikh aan hore u soo marin qarankan koraya,wuxuuna xalaalaystay in xilka xisbiga iyo xilka saddexaad ee qaranka ugu tunka weyn isku hayo, iyadooy sidaasi jirto Cabdiraxmaan wuxuu xisbigiisu hana-qaaday wakhti bulshadu mucaarid tahay waxaanay is lahayeen maadaama xisbi cusub ku soo biiray masraxa waxa uu badali doona jawigii iyo jihadii siyaasadeed inkasta oo aanu Cirro ku cusbayn dhaayahooga.
waxaase danigii iyo dhugmadii ay bulshadu u haysay hoos u dhacday markii uu Cirro noqday nin laba shinbirood dhagax ku wada dilaaya/shimbir laba geed wada gurata taas
waxaanay bulshadu qaybaheeda maatida ihi,ee codka ugu badan siyaasiyiinta siisaa walaac iyo wal bahaar ka hayaa sababta uu dareenkooga ugu turjumi waayay cabdiraxmaan ciro?
Ee uu sito heeryada gudoomiyenimada golaha ee tobanka sano iyo gusuurka uu gadhwadeenka ka ahaa? Waxaanay u arkaan inta badan inaanu cabdiraxmaan hawl iyo hiirtaanyo inuu u maro hanashada kursiga ugu sareeya qaranka aanu doonayn, ee uu lurayo uun bulshada, iyagoo taas daliil uga dhigaya aamusnaantiisa faraha badan iyo jeclaysiga uu jeclaysanayo sii fadhiga kursiga uu hayo. Inkasta oo uu isagu is ogyahay waxa uu u door bidayo arrintaasi .

Muuse Biixi Cabdi marka laga yimaado muddadii uu ka midka ahaa jilayaasha siyaasadda, wuxuu gudoonka kulmiye si rasmi ah ula wareegay 5/8/2010, xiligaas oo dalku ka soo doogayay daalkii iyo dihaalkii dheeraa ee loo soo maray doorashadii uu guusha ku hantiyay madaxweyne Siilaanyo.
Inkasta oo aan waagaas la garanayn cida iska sharixi doonta xisbiga talada hantay ee kulmiye, haddana waxay dad badani dareensanayeen in Muuse damac kaga jiro waxa kale oo aan dadka daah iyo dabool ka saarnayn in musharaxiin kalena ka soo bixi doonto.
Haddaba muddo markii la joogay waxa soo baxay in xisbiga iyo xukuumadii uu dhalay ay kala kooxo noqdeen taaso oo yeelatay wajiyo iyo jihooyin badan waxaanay bulshadu inta badan qadiyadaas u sibir saartaa dhawr arrimood oo ay kaw ka tahay dabciga iyo dabeecada Muuse oo inta badan dhaqan iyo caado ay u tahay adayg/kakanaan iyo tallo maroorsi aanu waxba xeerin taas oo ay u dheerayd inuu isa siiyay xisbigii iyo musharxnimadiisii oo aanu iskuba dayin inuu isu soo dhaweeyo wixii ka qabyo ahaa xaalkana markii dambe uu ka soo qaaday odhaahdii ahayd ‘Maanaa burka bahal ka fishay .
Ta labaad Muuse oo xisbiga uu gadhwadeenka ka noqday dhexdiisa ku leh godobo siyaasadeed oo ka dhexeeya isla qolyaha uu hogaanka u yahay waxaanay taasi cadaatay markii uu Muuse dibada dhigay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir isagoo dacalka iyo dhabarkaba saaraya Siilaanyo balse aan qaadan door gudoomiyenimo, waxaanay arrintaasi dhayda ka cadaatay markii uu khilaafka xisbigu isku shareeray cirka inuu ku tiraabay mid ka mid ah hogaanada xisbigu sidan, “ siyaasadu waa salaan haddaba Muuse wuxuu isku dayay isagoon salaankii siyaasada wada fuulin inuu anagiina naga laabto salaankaanu wada saarnayn”.
Dhacdooyinkaa is biirsaday ee aynaan wada xusin iyo kuwa la filan karaaba waxay muuse ku noqdeen inuu yahay hogaamiye lusha oo taagan maahmaahdii ahayd “ Gacantaadu haday solo gasho laguma soo dhuftee waa laga dhiraan dhiriyaa” waxa isna xusid mudan in xisbigii kulmiye yahay khatarta ugu badan indhaha bulshada iyo xisbiyaduba eegayaan.
Haddaba markii hor-boodayaasha siyaasada xaajadoodu sidaa noqotay waxa soo baxday in xaaladii wadanku noqoto jaantaa rogan,aan lahayn halbeeg iyo miisaan laga qiyaas qaato, waxa dilaacay taariikhda markii ugu horaysay xukuumad kala socota gudaheedii, xisbi iyo xukuumad kala rakaaba. Iyagoo intaas ka wabinaya oo walbahaar la dhaygagsan bulshadu ayaa waxa ugu biiray mucaarid ay miisaami kari waayeen inay awoodooda iyo siday wax u rabaanba? waxaanay taasi keentay in daawadayaal indho iyo dhago xidhan loo noqdo riwaayada kaadhadhka badan ee kulmiyaha kala jaadkii jilayo .
taas oo aanay xisbiyada mucaaridka ahina ka madhnayn daawada yashaas, balse iyagu waa mucaaridkee ay u dheer tahay inay hawlahoogii oo dhan ku xidheen wixii kulmiye ka soo baxa! Taasina waxay fursad siiysay xukuumada dabarka waydaaratay.

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi
Email: Liibaanhanad79@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here