Soomaali: Xundhuro Isku Yaalyaal! Qalinkii: Maxamed Baashe X. Xasan.

0
687

Soomaali: Xundhuro Isku Yaalyaal! Qalinkii: Maxamed Baashe X. Xasan.

Ku yeh: “orod tag maqaaxidaas reer hebel oo bal saacadfadhiiso oo isu dhegayso afka ay ku wada hadlayaan iyo sida ay u wada macaamilayaan?!” Isku Soomaali ma nihin kuwaas!

Ku yeh: “ Soomaalidu isku af na ma aha, isku dhaqan na ma aha”!

La yeh: “ keen burhaantaada?!”

Ku yeh: “orod tag maqaaxidaas reer hebel oo bal saacadfadhiiso oo isu dhegayso afka ay ku wada hadlayaan iyo sida ay u wada macaamilayaan?!” Isku Soomaali ma nihin kuwaas!

Waayo sideenna oo kale in aanay ahayn oo ay duul kale yihiin adba waad ogaan!

Waa iska arrin dabiici ah af kastaa ba in uu yeesho far-guri iyo ereyo degaaneed ka baxsan afka guud ee qawmiga ah. Sida Hargeysa iyo Muqdisho ay taasi ugu kala duwan yihiin ayaa Jabuuti iyo Wajeer na ugu kala geddisan yihiin, Burco iyo Jigjiga na ugu kala duwanaan tahoma, geneva, sans-serif;”>karaan, Hargeysa iyo Burco na ugu kala geddisnaan karaan.
Wax se hubanti ah sida aqoonyahannada afafka iyo isirintooda ku xeeldheeri ba hoosta ku xarriiqeen in af Soomaaligu mid yahay marka hoos loogu dhaadhaca ee aan dusha sare laga soo qoollaaliyin/eegin dhismihiisa afnimo iyo abnimadiisa isirnimo.

Labada lahjadood (Maay iyo Maxaad) ee loo kala qaybiyo afka Soomaaliga ayaa qaab-dhismeed iyo abla ablayn ahaan ba wadaaga isirro xabag adagi isu hayso oo ay kaga duwan yihiin afafka kale ee ay isku bahweynta yihiin sida Oramaha, Canfariga, Soohada iyo kuwa kale Kushka la isku yidhaahdo.

Dhaqanku na waa la mid sidaas oo kale oo qofka Soomaaliga ah sida sinjiga iyo sawriciisa looga sooci karo quruumaha kale sida kuwa ugu soo dhow xagga qaabka muuqaalka iyo midabka, ayaa kugu dudduucaysa oo rumaynaysa in dhaqan iyo dhiig wadaag xooggani uu Soomaalida dhexdeeda jiro. Sida Soomaaligu u fekero iyo adduun araggiisa ayaa marag kale ah oo marka hoos loogu dhaadhaco nolosha Soomaalida aan gobol na laga saari karin gobolka kale Shanta ay Soomaalidu kaga uuman tahay Geeska Afrika.

Afka iyo dhaqanka ummadeed waxa saameeya dhawr arrimood oo kala duwanaan abuuri kara illaa heer. Waxa ka mid meheradda dadka sida xoolo dhaqato, beeraley, gabraarato, kalluumaysato iwm ama macallimiin, askari, xoogsato, ganacsato, darawaliin iwm. Waxa intaas soo raaci kara kala fogaanta dadka ama degaannada iyo wakhtiga kala fogaanta ama kala go’doonku jiray oo saamayn ku keenaya afka iyo ereyo adeegsigiisa. Taasi na waa mid quruumaha adduunka oo dhan ka dhaxaysa. Innaga Soomaali ahaan waxa inoo raacaya

afkeenna oo qoraalkiisu da’ yar yahay, intii qoraalkiisu hirgalay na la kulmay jid-gooyo weyn oo xasillooni darro (dagaallo sokeeye) iyo mas’uuliyad darro ama xilkasnimo la’aani, taas ayaa maanta dhabbaha u xaadhaysa in uu dhasho dareen taban oo dhiillo culus la

gurguuranaya, hoostana ka xarriiqaya in Soomaali laga yeelo dad kala af iyo dhaqan ba ah.

Ma gabyo oo ma ihi nin hibo awood u leh inoo iska dhex cabbiri karo godadka badweynta maansada iyo suugaanta Soomaalida ee baacyada dheer. Afarreydan hoose oo hadda ba ciil-gabay ah ayaan kaga hal celiyey dareenkaas taban ee saaxiibkay ila wadaagay ee ku saabsan in Soomaalidu aanay isku af na ahayn, isku dhaqan na ahayn! Taas oo aan marar hore na meelo kale kula kulmay, oo igu soo noqnoqotay.

Waxa aan is leeyahay cabbir oo afarrey ku soo bandhig, dhibaato kasta ba ha dhacdo eh, in

Isir iyo af wada jira

Midnimo dhaqan iyo dhulal isku yaalla oo aanay cidi u dhaxayn

Dhaqaale xidhiidhsan oo isku xidhan iyo

Diin toosan oo is diiddooyin aan lahayn.

Waxa kale oo aan is leeyahay bal tilmaan ku muuji waxa Soomaali kala geeyey, una dacaraynaya intaas ay wadaagto ee ka dhaxaya, waxaas kala faquuqaya oo ah siyaasad ka hor timi in la yeesho hagoog guud: Qaran iyo dawlad u dhex ah. Taas oo Soomaalidu ku

fashilantay ayaa looga baqayaa wixii ka soo baxay in ay galaaftaan wixii ka weynaa ee la wada lahaa ee ummadda ka dhexeeyey.

Malahayga haddii la aqoonsado oo la isu tixgeliyo inta lagu kala duwaanaday ee la kala

Soohdinta ama seeraha dawladeed

Haybta siyaasadeed iyo

Habraaca maamul,

waxa fududaan lahaa jidkii loo mari lahaa in lagu ilaashado inta badan ee Soomaali ka dhaxaysa ee sida isirka iyo afka isku midka ah, dhaqanka iyo dhaqaalaha isku qodban, dhulalka isku yaal iyo diinta toosan.

Afarradaydani arrimahaas ayay dul-ka-xaadsanaysaa, iyada oo ku bilaabaysa muddarrooyinkii Soomaalidu isku la kacday iyo natiijooyinkii foosha xumaa ee ka dhashay.

Waxa bilowgii tixdani ahaa oo ay curatay 28/08/2015, waxa aanay tidhi:

1. Xamar iyo Hargeysaba markii lays xinjiro taabtay

2. Xamastii markii lagu dhugtamay ee la xilan waayey

3. Xabaalaha markii lagu guree xiidku ledi waayey

4. Xarbigii sokeeyuhu fiday ee xolodku qiiqaamay

5. Derrimaha xuluusha leh markii xaaluf laga yeelay

6. Xusuustay dadkii hore dhigeen xaaqin lagu fiiqay,

7. Inkastoy xumaan badan jirtiyo nabar xanuun reebay

8. Oo aan cidi cid xaalaynin oo rag is xiniin taabtay

9. Xaakimkay u qorantoo runtii waa xisaab adage,

10. Niman baa xantaystoo la rabey in ay xabaalaane

11. Ragna wuxuu u xaydnaa in aan laysku xayn go’ine

12. Maantana intii xaasil ah ayaa xaajo badan goysa,

13. Soomaali waa xidid waqeed xoon walaalo ahe

14. Waa xundhuro isku yaalyaal sidii xubin jidhkayga ahe

15. Wax la yahay xigaal wada dhashiyo xabiyo dhiiggiiye,

16. Af xuduud leh gabay xeer leh iyo xulasho suugaan leh

17. Dhul xidhiidhsan xeebiyo bannaan dhaqan ku xayndaaban

18. Xoolaha la raaciyo macdaar xamashku hoos yaallo,

19. Diin xaniif ah xeerbeegti oday iyo xaajo-qaad inan ah

20. Hablahoo xishood iyo wanaag xayada dhawrsoon leh

21. Intaas oo xurmo ah xaal gobeed xilasho ii gaar ah

22. Xabag baysu haysiyo Samow xarafyo waaweyne

23. Wax xajiinta sii marinayee xanafta beeraaya

24. Saw xeel siyaasiyo ma aha xeer la dhigan waayey

25. Xilka dawladeed saw ma aha kala xadayntiisa?!

26. Xusul-duub haddii loogu jiro gobollo xiisaynta

27. Geel la kala xabbaadhiyo ma aha Xiito dhicisteede

28. Gobannimadu xaab ma aha iyo xaabo guri taale

29. Xunbadaa gudhaysiyo ma aha xoorka caanaha’e,

30. Waa xariir gob loo saanyadiyo garasho xeerkeede

31. Dadba waw xubeeraa oo ma jiro ruux xarrimayaaye

32. Xabkoo burura xooliyo adduun bay u xilataaye

33. Xinjir dhiig ah xoog iyo aqoon yay u xayataaye

34. Xis wanaagsan bay qaayibtaa xulasho waayeele,

35. Xurmo ma laha ruuxii ku shuba xeedho gudaheede

36. Inta noole xay yahay waqeed waa xisaab furane,

37. Gunnimadu xaqsoor ma leh ragow xubin la qaataaye

38. Xansas-qaadka iyo xaaduqyada xaasidkiyo tuugga

39. Inta xumaha jecel bay u tahay xarun magaaleede,

40. Xisti libintu kuma foolato’e nabadda xoodaansha

41. Xinka kuma dhalaysee ragow samaha xaaleeya

42. Waa gocayo xuub saaranyee garasho xooleeya,

43. Waa gunno xujaysane ragow xeelad kale yeesha

44. Xilkasnimo sed weeyee xutubi doodda hadalkaaga

45. Nin walow xaq-dhawr sii ka kale waa xuquuq sugane

46. Xumo xume ma doorshee dadow duugga hadhay xeersha!

1. Xamash: cosob iyo dhir isku baxday. Barwaaqo iyo nimco ayaa halkan looga gol

2. Xamas: mir-ma-gaydo, dadka inta jilicsan sida waayeelka, haweenka, carruurta iyo dadka waxgaradka ah sida wadaadka caalimka, suldaanka, gabyaaga iwm.

3. Xutubin: qiime u yeelid, u meel dayid.

4. Gocayo: weel qabo laga sameeyey sida haanta gorofta ah u baahan in la xooleeyo si loo manaafacaadsado.

Qalinkii Maxamed Baashe X Xasan

mohamedbashe@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here