Ma Aha Kaftan Iyo Ciyaar Qadiyada Madax Banaanida Somaliland!

0
449

Ma Aha Kaftan Iyo Ciyaar Qadiyada Madax Banaanida Somaliland!

Waxaa aad moodaa in aanay shaqooyinku inoo kala soocnayn oo qof walba halkuu kaga soo hagaago uun iska laalaadinayo tani waa dhibaatada keenta in siyaasada horumar laga gaadhi waayo,oo nidaamku uu noqon waayo mid si fiican u shaqeenaya.Waxaa aynu dhisanaa waa dal iyo dad la burburiyey oo ilaa 1960 waxaa 18 may 1991 oday yadii siyaasiintii,iyo ururkii SNM u arkeen xalka dadka iyo dalku inuu yahay ka noqoshada midnimadii somaliya ee waqooyiga iyo konfurta.

fjf(9)
Tani waaxay ahayd fikir caafimaad qaba oo badbaadiyey Somaliland beelaha somalilandna si fiican waxgaradkoodu ugu hagar baxeen. Mar walba tabashadu waa jireysaa oo khaladyo lama waayayo waxaa ay ka dhalanayaan:

a) Kaabayaashi dhaqaalaha oo burburay
b) Dawlad la’aan mudo lagu soojirey
c) Dhawacyadii dagaaladii sokeeye
d) Dhiig bixii iyo xasuuqii dawladii somaliya u geesatay shacbiga
e) Dilaalinta siyaasada,xildaydaygii oo baala xooftadoodii ku aslay qabyaaladii si ay danahoodu ugu hantaan dhiigbaxa dadka iyo dalka.Dhibaatooyinkan iyo kuwo kale oo badan ayaa in muda ah ha kiyey horumarintii dalka iyo dadka ee ay hormoodka ka ahaayeen samataliyaashii daacada ahaa ee Somaliland kuwaas oo badnaa waxaa ka mid ahaa:

1- Sheekh Ibrahim Sheekh Yusuf (Allah ha u naxariistee)
2- Sheekh Muuse Jamac Goodaad(Allah ha u naxariistee)
3- Sheekh Axmed Sh.Nuux Furre( Allah ha u naxariistee)
4- Garaad Cabdiqani Garaad Jamac(Allah ha u naxariistee)
5- Xaaji Cabdikariim Xuseen(Allah ha xafidee)
Kuwani iyo qaar kale oo aanan halkan ku xusini waxay ahaayeen geesiyaal wax garad ah oo u tafa xaytay dalka iyo dadkaba.Waxay ahaayeen rag aqoon sare u leh dhaqanada somalida iyo taariikhda bulshooyinka deriska lahaba,waxay ahaayeen rag ka foojigan dhagaraha cadawga gudaha iyo debadaba, oo ildheer si fiicana ula socday dulmiga iyo hagardaamooyinka lagu hayey dadka Somaliland guud ahaan.

Hadaba Maanta intooda badani way Mootan yihiin(dhinteen) in yar uun baa ka sii nool.Ilaa mudadii ka danbaysay ka noqoshadii midowgii labada wadan (Somaliland iyo Somaliya) wax la taaban karo oo xal u muuqda xoog cidina ma saarin sida Somaliland,Somaliya iyo mustamaca caalamkuba.Haday arini sidaa tahay maxaa la gudboon maanta dalalka ay arintani khuseyso waxay ila muuqataa sidan:

A) SOMALILAND

Somaliland Siyaasiinteedu waxay ku fashilmeen qorshaha iyo xirfadaha dalkan loogu raadinayo aqoonsi caalamiya.Sababtu waxay tahay ma jiraan hayad ama urur khaasa oo firficoon oo hawshan u xilsaaran oo leh xafiis guud oo isku xidha bulshada caalamka iyo hananka siyaasadeed ee mowqifka shacbiga Somaliland taan waxaan ula jeedaa.Umalayn mayo in ay jiraan daraasad rasmi ah iyo cilmibaadhis waa fiyaha oo laga diyaariyey taariikhdii midowga labada dal iyo wixii sababay inay midoobaan,dhibaatadii ay dadka reer somaaliland ka dhaxleen midowga iyo sidii arxan darada ahayd ee loo xasuuqay.Marxalada ay soo mareen halganadii iyo dib u dhiskii dawladnimo ka dib burburka.Mawqifka dhabta ah ee dadka reer somaaliland ee qaranimada Somaliland iyo in aanay sinaba u dhacayn in aanay Somaliland dadkeedu dib ugu noqonineyn midowga somaaliya waayo wax maslaxad ah oo ugu jirtaa ma jirto.

Arintan waxay ahayd in dad aqoon sare u leh dhinaca shuruucda caalamiga ah,khuburo aqoonsare u leh taariikhda somaliya iyo caalamka,dad aqoon u leh Juquurifaga siyaasada,kuburo dhinaca debiyada iyo xasuuqa ,aqoonyahano cilmi nafsiga iyo caafimaadka, kuwo aqoon u leh xalinta khilaafyada oo dhamaantood xul ah loo saaro qadiyada citiraafraadinta,waan ogahay in dhaqaale badan u bahan tahay balse dad badan oo aqoontan lehi waxay diyaar u noqon karaan in ay si tabacruc ah hawlshan u qabtaan oo wadankooda u horaan aqoontooda kuwo kalana maalkooda iyo naftoodaba u huraan.Waxaa arkeysaa buugaag badan oo ay qoraan qorayaal reer Somaliland ah balse anigu ma arag hal buug oo laga qoray qadiyada citiraafka Somaliland oo si buuxda uga waramaya baadhis cilmiya oo xaqiiqada dhabta ku salaysan.Somalidu waxay ku maahmaahdaa NIN AAN HADALAN HOOYADII QADISAY!
La soco qaybaha dambe……….

Waad mahadsantiin
Waxaan uga mahad celinayaa hadwanaagnews oo inta badan daabacda qoraaladayda iyo dad badan oo aan ka helay fariimo mahadnaqa oo dhinaca Emailka ah ku saabsan qoraalayda.
M J Farah