Ururka Ardayda Soomaaliya ee dalka Kuwait oo hogaan cusub doortay +SAWIRRO

0
362

Ururka Ardayda Soomaaliya ee dalka Kuwait oo hogaan cusub doortay + SAWIRRO

Kuwait (Warsugannews) Waxaa lagu qabtey caasimada dalka Kuwait ee Kuwait city doorasho si heer sare loo soo agaasimay oo lagu dooranayey hogaan cusub u yeesho Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait.

Doorashadan oo ay ka soo qeybgaleen ardayda wax ka dhigata Jaamacadaha kala duwan ee dalkan Kuwait aadna u xiiseynayey ka qeyb qaadashadeeda ayaa waxaa ku tartamayey xilka guddoomiyaha Ururka Ardayda labo musharax oo kala ahaa: Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulbaari iyo Naasir Axmed Haybe.

Mas’uuliyiinta kasoo qaybgashey munaasabadda doorashada ayaa waxaa kamid ahaa; Safiirka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee dalka Kuwait Danjire Cabdiqaadir Amiin , lataliyaha Safaaradda ahna kuxigeenka Safiirka Mudane Abiib Muuse Faarax, Xoghayaha labaad ee safaaradda Marwo Faadumo Saleebaan , uqaybsanaha safaarada arrimaha waxbarashada iyo dhaqanka Dr. Cabdiladiif Maxamed, Guddoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait Mudane Maxamuud Xaaji Axmed iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyntii waxaa xaflada ka hadlay Guddoomiyaha guddiga doorashada Cabdirashiid Ayaanle oo ku booriyay ardayda kasoo qaybgalayaasha inay si hufan codkooda u dhiibtaan, sharaxaadna ka bixiyay qaabka ay doorashadu u dhacayso.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee ururka ardayda Soomaaliyeed Mudane Xuseen Maxamed Maxamuud oo goobta ka hadley ayaa isna faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey waxqabadkoodii inta ay xilka hayeen.

Khudbadaha kadib ayaa la guda galay codeynta, waxaana codeynta kadib guddiga doorashada ku dhawaaqeen natiijada markii la tiriyey codadka, iyadoo Musharax Cabdiraxmaan Cabdulbaari uu helay 79 cod halka Musharax Naasir Haybe oo aan goobta soo xaadirin uu helay labo cod, waxaana halkaas ku guuleystay Guddoomiyaha cusub ee ururka ardayda Cabdiraxman Maxamuud oo xilkan hayn doona muddo sanad ah.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kuwait Mudane Maxamuud Xaaji Axmed oo madasha ka hadley ayaa u hambalyeeyay guddiga cusub, wuxuuna ballan qaadey in ay Jaaliyaddu garab istaagi doonto Ururka Ardayda.

Ugu dambeyntii waxaa xafladda soo xiray Safiir Cabdiqaadir Amiin oo ka hadley kaalinta ay leeyihiin ardeyda Soomaaliyeed, kuna booriyey in ay xoogga saaraan waxbarashada, wuxuuna soo dhoweeyay doorashada Gudoomiyaha cusub isla markaana ballan qaadey in ay Safaaradda ay la shaqeyn doonto.
image_21

image_12

image_7

image_5

image_4

image_3

image

image7