Ma jirto meel beesha madaxweynuhu ku cadaysay inay Muuse Biixi Ku dhisto Arintuna Garoonka Golaha dhexe ayay taalaa ee Yaan Beesha laga Been sheegin

0
364

Ma jirto meel beesha madaxweynuhu ku cadaysay inay Muuse Biixi Ku dhisto Arintuna Garoonka Golaha dhexe ayay taalaa ee Yaan Beesha laga Been sheegin.

Xisbiga Kulmiye waa Xisbi dimoqraadi ah oo rukumo adag ku taagan waana xisbi ka dhexeeya Bulshada reer Somaliland oo dhan ee maaha xisbi beelo gaari sheegtaan oo marba saxaafada lagu soo qoro beel heblaayo hebel bay taageertay waa wax laga xishoodo kana caagan saaxad siyaasadeed in beelnimo wax lagu raadiyo ama maalin kasta lagu soo celceliyo.

Somaliland hal beel iyo laba beel midna maaha waa Nation lagu magcaabo Somaliland oo dega dhul baaxadiisu isu jirto 137.600km square , una dhiganta 53.100 miles square population ka dega Somaliland waa ugu yaraan 4 milyan oo waxyar dhiman sidaa darteed maaha in hogamiyeheeda cida soo saaraysa lagu qiimeeyo 4 nin oo wada socda oo marba meel ku soo qora reer hebel waxay taagersanyihiin Mr.Hebel mana isticmaali karaan beel dhan magaceed oo aan la arag meel ay ku shirtay oo kaga hadashay hebel ayaanu dhisaynaa.
Waxaan leeyahay Hogaamiyaha raba inuu Somaliland Hogaamiyo iyo raga dhinac yaacayaa mid kasta ha ahaadee waa inay ka koraan reer hebel ayaa i raacsan iyo saxaafad lagu soo qoro reer hebel hadaanu nahay Hebel ayaanu dhisaynaa oo been abuur beel laga been abuuray ah, waxaan saxaafada qaar ku arkay nin siyaasiya oo ku soo qoray Beesha Madaxweynuhu waxay dhisaysaa Siilaanyo ka dib Muuse Biixi arintaasi waa waxba kama jiraan beesha anagaa ka mida meel aanu arikaa ku qaadanay ma jirto dhismaha hogaamiye cusubina maaha mid beeshayada ku xidhan ee Somaliland oo dhan bay u taalaa xiligana golaha dhexe ee Kulmiye ayay u taalaa.

Hadaanu nahay Xisbiga kulmiye Hogaanka aanu rabno inaanu soo saarno maaha mid reero qudhi wataan ee waa mid aanu doonayno in Reer Somaliland oo dhami isku raacaan, maaha mid dhowr nin qol ku xidhaan oo yidhaahdaan anagaa ku dhisayna ee waa mid bulshada reer Somaliland oo dhan cod ka doonaya, maaha mid jujuub iyo khasab wax ku doonaya ee waa mid Sumcad iyo kasbasho wax ku doonaya, waxaan leeyahay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi yaan been laga sheegin oo la odhan Beel buu wax ka doonayaa laguna shaanbadayn nin beelnimo wax ku doonaya.

Ma jirto meel Muuse Biixi Beesha habarjeclo kula shiray oo yidhi igu dhisa hadaanu Habarjeclo u aqoonin 4nin ee la fadhiya aniga ayaa Habarjeclo ah oo maalin kasta la joogay weli igumuu odhan habarjeclo ayaan rabaa inay i dhisto waayo wuu ogyahay in iminka arintu aanay reer ku xidhnayn ee gole dhexe u taalo, fadlan nimanka balanqaadka wasiir loo sameeyey waxaan leeyahay beesha Hjeclo yaan laga faafin wax aanay wadajir u soo saarin magacedeena lagaga been sheegin, hjeclo hogaamihii golahaa dhexe ee kulmiye ka soo baxa ayay taageeraysaa inteeda kulmiye ahi ilayn Kulmiye maba wada ahee laakiin ha la joojiyo magaceeda laga been sheegayo.
Garyaqaan Abdiraxmaan Ali Ubaxle
Birmingham Uk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here