Germany Iyo Poland Oo Guulo Gaadhay, Portugal oo aan Tebin Ronaldo ka badisay Serbia Iyo Natiijooyinkii Kale Ee Xalay Ka Dhacay Isreeb-reebka Euro 2016

0
407

Germany Iyo Poland Oo Guulo Gaadhay, Portugal Oo CR7 La’aan Dardartay Serbia Iyo Natiijooyinkii Kale Ee Xalay Ka Dhacay ISreeb-reebka Euro 2016

HARGEYSA(Warsugannews)-Xulka Jarmalka ayaa guul ka helay Georgia kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2016 oo marti loo ahaa waxaana ay natiijadaas ka saaciday iney kaalinta koowaad kaga soo baxaan groupka D oo ay ka mid ahaayeen.

Thomas Muller ayaa hogaanka u dhiibay Jarmalka qeybtii labaad ee ciyaarta markii uu rigoore shabaqa dhex dhigay, balse sadex daqiiqo kadib xulka Georgia ayaa iska soo guday goolkii lagu lahaa waxeyna heleen gool barbaro ah kaas oo uu saxiixay Jaba Kankava.
Max Kruse oo badal kusoo galay qeybtii dambe ciyaarta ayaa dhaliyay goolka labaad ee Jarmalka waxeyna xidigaan ku qaadatay inuu gool dhaliyo kaliya sadex daqiiqo daqiiqadii 79-aad.

Sidoo kale Poland ayaa kaalinta labaad groupka D kaga soo baxday markii ay guul ka heleen Republic of Ireland ciyaar xalay dhacday.

Grzegorz Krychowiak ayaa bilaabay goolasha Poland daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta balse sadex daqiiqo kadib waxaa rigoore kaga soo guday goolkii Jonathan Walters.

Robert Lewandowski ayaase dhaliyay goolkiisii 15-aad, lixdii kulan ee ugu dambeysay oo uu xidigaan garoomada kasoo muuqdo.

Dhanka kale xulka Portugal aya guul ka helay dhigisia Serbia iyagoo marti ah waxeyna kaga gudbeen kaliya 2-1.
Cristiano Ronaldo ayaa kulankaan seegay kaas oo fasax ku qaadanayay qaarada Africa, waxaase hogaanka xulka hayay Nani oo bilaabay goolasha Portugal daqiiqadii 6-aad ee ciyaarta.

Qeybtii labaad ee ciyaarta Zoran Tosic ayaa barbaro u keenay Serbia daqiiqadii 65-aad, balse Joe Moutinho oo badal kusoo galay ciyaarta ayaa guusha siiyay xulkiisa Portugal waxeyna ka dhigan tahay iney xaqiijiyeen kaalintooda koowaad ee groupka I iyagoo aruursaday 21-dhibcood.

Tobankii daqiiqo ee ugu dambeeyay ciyaarta waxaa casaan ka qaatay Serbia xidigaha Premier League ka ciyaara Aleksandar Kolarov iyo Nemanja Matic.

Sidoo Xulka Albania ayaa markii ugu horeysay usoo gudbay koobka Euro 2016, markii ay guul ka heleen Armenia iyagoo ku garaacay 3-0.

Albania si toos ah ayey tartankaan uga qeyb galeysaa iyadoo 14-dhibcood keensatay 8-kulan oo ay ciyaartay xalayna waxey u aheyd habeen tariikhi ah.

Ugu dambeyntiina xulka Romania ayaa kusoo baxay kaalinta labaad groupka F kadib markii ay guul ka gaareen Faroe Islands.
Laba gool oo ka timid Constantin Budescu iyo gool ka yimid Alexandru Maxim ayaa guul siiyay xulka Romania waxeyna si toos ah uga soo qeyb galayaan koobka Euro ee sanadka soo aadan ka dhici doona dalka Faransiiska.

333333

5555555

444

1111

222222

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here