Xaflad Qaadhaan loogu Ururinayo Wadada Barbara ilaa Raari Buul oo lagu Qabtay Magaalada London.

0
551

Xaflad Qaadhaan loogu Ururinayo Wadada Barbara ilaa Raari Buul oo lagu Qabtay Magaalada London.

London (Warsugannews) Xaflad Meeqaamkeedu aad u sareeyo oo ay soo agaasimeen Ururka Samafalka ee Hadaf oo Fadhigiisu yahay Wadanka Ingiriiska gaar ahaan Magaaladda London,taasi oo dhacday Habeenimadii Sabtida ee ku beegnayd 10/10/2015.

Xafladda oo ka dhacday Bariga Magaalada London ayaa waxa kasoo qayb galay Dadweyne Tiro Badan oo goobta u yimi sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen Wadada Barbara-Raari Buul,iyaga oo ka kala yimi qaybaha kala Duwan ee London iyo waliba Magaalooyin ka baxsan Magaalada London.

Dadweynaha Tirada Badan kasakow, waxa iyana kasoo qayb galay Masuuliyiin ka socday Xukuumadda Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xasan ,Wasiir Ku Xigeenka Kaluumaysiga Mudane

Maxamed Xaaji Adan Cilmi,Masuuliyiinta Xisbiyada Qaranka Somaliland iyo Masuuliyiin ka socotay Ururada kala duwan ee Bulshada.

Ugu horayn Waxa Dadweynihii goobta isugu yimi loo soo bandhigay Barnaamij Muuqaal ah oo ka turjumayay dhibta iyo Rafaadka ay qabaan Dadweynaha halkaa ku nooli , sida ay uga go’anyiin magaalooyinka Somaliland iyo in ay ka dibdheceen Nolosha, oo aanay u helin adeegyada aasaasiga ah,sida WaxBarashada iyo Caafimaadka .

Sidoo kale waxa isna ka hadlay Wasiir Kuxigeenka Kaluumaysiga Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo ka warbixiyay,dhibaatada Qarada leh ee haysata Dadweynaha ku nool Deegaankaasi,isaga oo ku Nuuxnuuxsaday in ay Umadda halkaa dagani ay ka dib dhaceen dhamaan adeegyada aasaasiga ah ,wasiirku Xigeenka Kaluumaysigu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in haddii la hirgaliyo wadadaa ay wax badan ka tari karto dhaqaalaha Gobolka,isaga oo ku dheeraday Khayraadka ku duugaan jiidaasi.

Wasiir ku Xigeenka Kaluumaysigu waxa uu Dadweynaha Reer Somaliland ee goobta isugu yimi kula Taliyay in ay qorshaha ku darsadaan sidii ay dhulkaa u maalgashan lahaayeen.

Geesta kale waxa lagu yaboohay, lacagta loo baahanyhayay isla markaana loo bandhigay dadweynaha goobta kasoo Xaadiray iyada oo laga Bilaabay Laba Kun oo Doolar(2000 Dolar).

Xisbigayada Mucaaradka ah ayaa iyana dhinacooda gacan ka gaystay,Xisbiga Ucid ayaa isagu 1000 Doolar ugu deeqay Halka Xisbiga Waddanina ay ku deeqeen 2000 oo Dolar.

Ururada Bulshada ayaa iyana kaalintooda Qaatay, iyada oo uu Ururuka East London Somaliland Alliance uu ku dhawaaqay 1000 Doolar, Halka Ururka Haad isna Bixiyay 1000 Dolar.

Ugu Danbayntii Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland oo isagu Hadalka soo gabogabeeyay ayaa ku dheeraaday faa’iidada ay wadadu leedahay iyo sida ay uga qayb qaataan kaabayaasha dhaqaalaha,waxana ku dheeraaday wadooyinka socda ee Shacbigu Bilaabay Dawladuna ay gacan ka gaysatay,isaga oo Dadweynihii goobta isugu yimi ka codsaday in ay Mashaariicda Dhisidda Jidadka ay lacagta u huraan.

Ugu danbayntii Xafladda ay soo qabanqaabiyeen Ururka Hadaf ee Qaadhaanka loogu Ururinayay Wadada Barbara Ilaa Raaribuul ayaa waxa ay ku soo gabagabowday Jawi aad u wanaagsan.

1(621).JPG

2(571).JPG

3(538).JPG

5(441).JPG

6(401).JPG

7(344).JPG

9(264).JPG

10(268).JPG

11(306).JPG

15(149).JPG

16(127).JPG

23(60).JPG

24(56).JPG

25(49).JPG

27(36).JPG

burco(10).jpg

DSC_0527(1).JPG

DSC_0535.JPG

DSC_0540.JPG

DSC_0541.JPG

DSC_0553.JPG

Warsugannews
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here