Maal Gelin Lagu Seeyo Dekeda Berbera Macnaheedu Maaha In La Iibiyey Waa Horumar Usoo Kordhay Shacabka Iyo Guud Ahaanba Qarankeena Hannbalyo Madaxweyne

0
368

Maal Gelin Lagu Seeyo Dekeda Berbera Macnaheedu Maaha In La Iibiyey Waa Horumar Usoo Kordhay Shacabka Iyo Guud Ahaanba Qarankeena Hannbalyo Madaxweyne

Talaabada heshiiska dhexmaray Xubnaha ka socday Xukuumada somaliland iyo Shirkada Dubai Wolrd waa iftiin horumar oo usoo baxay dalkeena, waa mashruuc horumarineed oo shaqo abuur leh waxaana ay dekedeenu noqon doonataa deked la tartanta dekedaha aduunka iyadoo aynu ognahay marinka ay ku taalo berberi oo muhiim u ah Africa iyo aduunyaba waa lagama maarmaan inay berberi hesho maalgashi caalami ah si ay ula jaan qaado dekedaha aduunayda.

Maalin gelin balaadhan oo ay hesho marsada berberi waxay dhabar jab ku tahay cadowgeena neceb horumarkeena, heshiiskani waa tabaalo guul ah oo uu Madaxweynaha Qaranku iyo Xukuumadiisuba usoo hooyeen dalka waxaana ay ka mid tahay Mashaariicda wax ku oolka ah qarankan dhaxalka u noqonaaya waana guulaha lama ilaawankaa ay siyaasada ku dhisan hogaaminta waayo aragnimo uu leeyahay Madaxweyne siilaanyo ku timi.

Axmed Maxamed Siilaanyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waa siyaasi ruug cadaa ah waa hogaamiye shacabkiisu ku kalsoon yahay hogaamintiisa, qarankan tacab badan baa kaga soo baxay duurka ayuu usoo galay wixii uu uso dagaalamay waa waxaan dhacayn inuu dayaco, waa madaxweyne jecel horumarka dalkiisa iyo wada jirta shacabkiisa .
Heshiiskan oo ah heshiis mid taariikhiya mustaqbalkana ay dekeda berberi noqon doonto mid ka horaysa dekeda badan oo ku yaala caalamka islamarkaana lagu samayn doono dib hayn iyo casriyeyn balaadhin waa guul iyo horumar aan marnaba indhaha laga qarsan Karin, waxaan ugu baaqaynaa kuwa mucaaridka ah ee wax magaratada ah ee kasoo horjeeda danta shacabka iyo wadajirkooda uma tudhaysaan dadkiina iyo dalkiina waxaad doonaysaa waa danihiina gaarkaa masuuliyiinta qaranka maanta xilkiisa haysaana waxaa saaran masuuliyad culus oo ah sidii qarankani guul u gaadhi lahaa idinkuna waxaad ka shaqaynaysaa dhagarta iyo dib u dhaca dalka hadaad dalka mustaqbal ka leedihiin taageera horumarka iyo mashaariicda qiima leh.

W/Q: Seeraar Sugule
Berbera/Somaliland
seeraar941@gmail.com