Maxamed Ibrahim Qabo Hogaamiyihii Midnimadda iyo Horumarka Togdheer Q.3aad W/Q: Mr.Hamse Bashe Wiyeer

0
460

Maxamed Ibrahim Qabo Hogaamiyihii Midnimadda iyo Horumarka Togdheer
Q.3aad W/Q: Mr.Hamse Bashe Wiyeer


Qaybtan saddexaad ee qoraalkan kooban ayaa waxaan ku tilmaami doonaa qaar kamid ah waxqabadyadii badhasaabku uu ka hirgeliyey guud ahaan gobolka gaar ahaan magaalo madaxda Burco mudadii koobnayd ee uu xilka hayey, sidoo kale qaybta dambe ee qoraalkan waxaan kusoo koobi doonaa ujeedada maqaalkan aan hal-hays uga dhigay “Maxamed Ibraahim Qabo Hogaamiyihii Midnimadda iyo Horumarka Togdheer”, iyo qodobo kooban oo guud ahaan bulshada Somaliland gaar aah shacabiga gobolka Togdheer ay ka baran karaan Maxamed Ibraahim, kuwaas oo ay ka dhigan doonaan halku dhigyo lugu xasuusan doono Gudoomiye Maxamed Qabo.

Waxqabadkii iyo Mahadhooyinkii la mahadiyey ee Maxamed Ibraahim Qabo intii uu xilka hayey:- Rabbi galaddi ha u sugnaatee waxqabadyadii u suurto galay gudoomiyaha ayaa shacabiga togdheer la’aantood aan u hirgeli lahay badhasaabku in uu keligii qabto, waayo somalidu waxay tidhahdaa “Dantaadda iyo madaxaaga-toonna lagama booddo” taas oo reer togdheer ay u arkayeen in fikir kasta oo horumar iyo middnimo xabaarsan oo uu badhasaabku u soo bandhigo ay iyaga tahay dantoodda, iyo rajooyinkii ay in badan ka naawillayeen xukumada madaxweyne Axmed Maxamed oo aanay jirin meel kale oo ay u dhafaan.

Tariikhdu waa mid isqoraysee waxay ku beegnayd habeen Jimce soo galayo 07 jeeniwari (07/01/2016) markii casho sharaf runtii ay ka muuqato sida losoo abaabulay kalsooni iyo waji furnaan oo maamulka wakaaladda biyaha Burco ay ku maamuusayeen badhasaab Maxamed Ibraahim Qabo, taas oo ay kasoo qayb galeen odayaasha, waxgaradka iyo siyaasiinta gobolka Togdheer, kelmadihii maddasha laga jeediyey ee soo dhaweynta gudoomiyaha oo waxgarad iyo saladdiin badani ay iskaga kala dambeyeen ayaa waxaa kamid ahaa “Waxaanu ku tusaynaa togdheer odaygeedii iyo caaqilkeedii in ay halkan ku dhanyihiin iyadda oo aan daaneysnay, rag iyo dumar, mudane iyo marwo, ciroole iyo caruur aanu kuleenahay muddane soo dhawoow”, dhanka kale abwaan hure walan-wal oo ay wajigiisa iyo hadalkiisa ka muuqato badhaadhe iyo rayn-rayn ayaa kalmado dhiirigelin ah ku yidhi gudoomiyaha “Shaqadaadu aad bay u badantahay, wixii tacab ahaa ee aan kugu ogaa, markaad kulmiye u soo wareegtay ha nasanin”, hadaba kalmadaha iyo kuwo badan oo madasha la isku weydaarsaday ayaa ka mid ah waxyaabaha u suurto geliyey badhasaab Maxamed Ibraahim Qabo in uu la yimaado waxqabad amaan mudan, isla intii madasha casho sharafta lugu guddo jiray ayaa gudoomiyuhu mahadnaq kadib wuxuu halkaas kaga dhawaaqay balanqaadyo waxaana kamid ahaa hadaladii gudoomiye Maxamed Ibraahim “Hami iyo fikir baan waddaa aan isleeyahay ka hirgeli gobolka, runtii gobolka dib u dhac weyn baa aad aad uga muuqda, waa caasimad xigeenkii, maaha heerkan ay maanta marayso gobolka iyo waliba magaalo madaxda burco may ahayn, dadka dibada ayaa ilasoo hadlaya oo ileh waar halkay kutalaa meeshii Somaliland lagaga dhawaaqay, ugu horeyn anigoon cidnaba weydiinahayn balan baan ku qaadayaa in aan dhiso oo waliba wax lugusoo hirto aan ka dhigo, ama dadka aan qadhaan ka qaado, waxna anigu aan jeebadayda ka bixiyo, waxna aan umadda kale kasoo qaadee, hadaan xukumada xitaa ka waayo balan baan idiinku qaadayaa, waan bilaabayaa meeshaas meel lugusoo hirto oo umaddu iskugu timaado oo la yidhaa waa halkii go’aankii lugu qaaday Somaliland jiritaankeeda 18 May waynu bilaabaynaa”.

Hadaba akhriste maalintaas wixii ka dambeeyey wuxuu badhasaab Maxamed dhexda u xidhay sidii uu uga dhabayn lahaa balan-qaadyadisii iyo in badan oo aanu balan-qaadin laakiin ka mid masuuliyad isaga dusha ka saaran oo loo baahanyahay in uu wax ka qabto.

Doorkii badhasaab Maxamed Ibraahim ee abaarihii ku dhuftay gobolka Togdheer bil ka hor: Waxay ahayd maalin salaaso ah 22 maarij (22/03/16) markii talaabaddisii ugu horeysay ee uu u qaado xaga abaarahii iyo biyo la’aantii gobolka kormeer duruuf la qaybsi ah uu badhasaabku ku kormeeray meelaha shaaha lugu cabo ee bulshadu iskugu timaado ee magaalada burco. Badhasaabka ayaa intuu uu ku guddo jiray kormeerkan qof qof u weydiiyey xaaladihii adkaa ee lugu jiray, iyo halka lagdanka abaarta iyo bulshadu kala marayaan.

Waxqabadyadii uu badhasaab Maxamed Ibrahim ka geystay xaga abaaraha ayaa waxaa ugu weynaa ka qayb gallo, iyo dejintii qorshayaashii lugu gaadhsiin lahaa dadka tabaleysan ee degaanada durugsan raashin iyo booyaddo biyo ah.

Marka laga tago gobolka togdheer midda in badan dadka reer togdheer iyo guud ahaan Somaliland sidda weyn u xasuustaan marka lasoo hadal qaado abaarihii ka dhacay Somaliland, 22kii bishii febarwery(22/02/2016) tiro ahaan 100 gaadhi oo caws ah ayuu badhasaab Maxamed Ibraahim Qabo isaga oo ka wakiil ah guud ahaan shacabiga Togdheer, gaar ahaan ganacsatada, culimadda, waxgaradka oo lahaa gacanta ugu weyn ee diyaarinta mashruucan boqolka gaadhi ee cawska ah wuxuu u diray gobolada galbeedka Somaliland oo xiligaas ahaa kuwii ugu darnaa ee xaga macaluusha baad iyo biyo la’aaneed.

Lasoco Qaybta 4aad

Mr.Hamse Bashe Wiyeer
E-mail: Xamse18@gmail.com
Bachelor Business Administration
Hargeysa/Somaliland