MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED SCW Qaybta 1aad

0
570

MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED
SCW Qaybta 1aad
Daraasad koobaysa qorshe hawleedkii nabiga ee Maalinlaha ahaa
Dr Cabdiwahaab B.Naasir Al- Turayti
Makkah
Waxaa turjumay Farxaan Aadan Haybe

Hargeysa(Warsugannews )Mahadnaq qoraaga Buuga
Waxaan si qiime leh oo qoto dheer halkan uga mahadnaqayaa cid kasta oo igu dhiir gelisay qoraalka kitaabkan oo ilaahay subxaanuhuye mahad oo dhan iska leeyahay. Dabcan waxaan iyagana halkan uga mahad celinayaa dadka hoos ku suntan;
Sheekh Cabdullaah Ibn Bayyax
Dr Cabdulwahaab Ibn Sulaymaan
Dr Axmed Baraa al-Amiri
Dr Cabdullaah Ibn Muxamed al-Qutxami
Dr Sacad Ibn Cattiyah al-Qaamidi
Dr Cabdullaah Ibn Cabdulraxmaan al-Subayh
Dr Axmed Ibn Muxamed al-Saqr
Dr Saami Ibn Cabdulcassis al-Majid
Dr Cabdullah Ibn Xamid al-Sakakir
Dr Khalid Ibn Fahad al- Bahlool
Mudane Jameel Muxamed al-Farisi
Mudane Saalix Ibn Xamuud al-Fowsaan
Mudane Yaasir Ibn Badr al-Xusaymi
Sheikh Muxamuud Shaaban Cabdul al-maqsuud
Kitaabkan mid kasta dadka kor lagu xusay ka mid ahi wuu sii eegay markii nuqulka ugu horeeeya aan soo saaray.Sidaas ayay ku saxeen waxii u baahnaa sixis ka dib markay aad u eegeen iina siiyeen dhiirigelin iyo weliba talo. Si wayn ayaanan uga faa’iiday talooyinkoodii oo suurta geliyay in aan dibu sixis iyo habayn ku sameeyo hab qoraalka. Waxaanay mid kasta oo ka mid ah culimadaas iyo xubnaha kale ee sharafta mudani leeyahay ajrigiisa iyo abaalkiisa.
Ilaahayna waxaan uga baryayaa inuu ugu naxariisto dadaalka ay geliyeen kitaabkan.

Hordhac
Halkani waa magaaladii timirta iyo qalbigii nuurka islaamka ka soo fufay.Waa halka uu qalbiga nebigu SCW yaalay, waa magaaladiisii, dadkiisii. Waa magaaladii markuu yimi wax kastaa nuur u siyaaday. Dadkeedu way jeclaayeen soona dhoweeyeen,isaguna wuu jeclaa oo duceeyay.

Waxa ku taala Buurta Uxud oo nebigu SCW xidhiidh qoto dheer la lahaa aadna uu jeclaa, iyaduna jeclayd. Waxa lagu tilmaansan karaa magaalo uu dhex lugayn jiray, raadkiisiina laga xusuusan karo ilaa maanta. Waxa halkan ku yaala masaajidkiisa oo qol yar oo ku dheganaa u ahaa guri uu ku noolaa.Laakiin waxaa masaajidku ahaa madarasad, iskuul iyo jaamacad ay wax ka barteen rag iyo dumar tiro badan.Waxuu ahaa halka looga arimiyo islaamka.

Waxaynu kitaabkan ku eegaynaa shaqadii nebigu SCW qaban jiray ee maalinlaha ahayd inagoo saacad saacad u eegi doona.Si aan uga faaiidaysano qiimaha noloshiisa oo ahayd calaamad iyo badhaadhe ilaahay u soo saaray bini-aadamka. Waxaan eegi doonaa noloshiisa caadiga ah siday ahayd iyo masuuliyada ilaahay saaray oo ah gaadhsiinta dadka diinta ilaahay ahna in aan Allaah jirin ilaahay keligiis mooyee muxamedna yahay rasuulkiisii.

Nebigu SCW waqtigiisa waxuu ku isticmaali jiray ayaynu eegi doonaa, si aan uga helo aqoon inagoo barbar dhigayna qof kastaana u kordhin doonta dibu-eegis bal sida uu waqtigiisa u maamulo iyo faraqa dhaqan ee u dhexeeya isaga iyo nebiga SCW.Nebiga SCW waxa la socday oo wax ka baran jiray asxaabta oo dhan iyagoo qorayay, xifdiyay kagana dayan jiray ficiladiisa oo dhan sababtaas ayay indhaha dadka oo dhami meel kasta ha joogee ula socdeen. Ma jirin wax gidaaro ah oo qarinayay noloshiisa u gaarka ah ee gurgiisa. Qalbiyada asxaabtiisa iyo indhahooduba sidaas ayay ula socdeen iyagoo jecel isna uu jeclaa la jirkooda iyo la joogoodaba.Nebi Muxamed SCW waxuu ilaalin jiray sidoo kalena ka faa’iidaysan jiray daqiiqad kasta oo waqtigiisa ka mid . waxaanu aaminsanaa in daqiiqad kasta waxa dhexdeeda la sameeyo la iska xisaabin doono sababtaas awgeedna ujeedo macno leh looga faa’iidaysto.

Kitaabkan waxaan ku milicsan doonaa waayaha nololeed ee nebigeenii Muxamed N.N.K.H.A inagoo wax ka baranayna meel kasta oo uu joogo; masaajidka, guriga. Waxaynu arki doonaa isagoo hurda iyo isagoo soo jeeda oo shaqo adag ku jira. Waxaynu soo dhex mari doonaa waxyaalo badan tusaale: isagoo ilma yar laabta ku haya ama ilmo yar garabka ku sita.waxa is waydiin leh: side ayuu nebigan qaaliga ahaa uga soo baxay fariintii ilaahay ugu soo dhiibay aadmiga? Sidee ayuu hawlihiisa shaqo isugu duba ridan jiray?Siduu maalintiisa u isticmaali jiray?

Hadaba, aan wada eegno sida ninkan: nebiga, Ilaahay rasuulkiisa, Aabaha, Saaxiibka iyo odayga uu u isticmaali jiray waqtigiisa. Taasna in aan ogaano waa sababta kitaabkan aan u qoray: Maailn ka mid ah Maalmihii Muxamed.
Cabdul Wahaab Ibn Naasir al-Turayri
Makkah Jimce, 20/7/1431 Hijriga

Lasoco Qaybtaha Danbe
Waxaa turjumay Farxaan Aadan Haybe 

Xigasho Wargeyska Warsugan