MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED SCW qAYBTII 7AAD

0
414

MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED
SCW Daraasad koobaysa qorshe hawleedkii nabiga ee Maalinlaha ahaa

Dr Cabdiwahaab B.Naasir Al- Turayti Makkah
Soo Booqashada Saaxiibada iyo Qaraabada
HARGEYSA(Warsugannews)Nebigu SCW waxuu saacadaha subaxii marar soo booqan jiray saaxiibadii ama qaar ka mid ah qaraabadiisa. Tusaale: mar ayuu u baxay si uu u soo booqdo inantiisii Faadumo gurigeeda si uu u soo arko caruurteeda uu awowga u ahaa gaar ahaan Xasan Ibnu Cali. Abu Hurayra ayaa weriyay in subax isaga oo jooga masaajidka nebigu SCW gacanta qabtay oo raacay.Gacantayda ayuu hoos u xejistay oo lugaynay iyadoo midkaayana midka kale la hadal.Markii ugu horaysay waxaanu tagnay suuqa qabiilkii yuhuuda ee reer Qaynuqaac.Waxaanu kusoo wareegnay suuqa isaga oo nebigu eegaya waxa ka socda. Waanu ka tagnay isaga oo gacanta I haysta, waxaanu gaadhnay wajahada gurigii Faadumo, halkaas ayuu nebigu fadhiistay isaga oo leh: mee wiilkii yaraa? U yeedha xassan Ibnu Cali ha ii yimaadee.Looma jawaabin nebiga. Faadumo ayaa Xassan haysay waxogaa aan u malaynay in ay u maydhayso ama maryaha ugu hagaajinayso. Markaas ayuu nebigu kacay oo dhaqaaqay aniguna aan raacay oo sidaas ku tegnay masaajidkii oo nebigu jiifsaday oo huwaday maro.Waxaanu lahaa mee wiilkii yaraa? Markiiba xassan ayaa soo cararay oo dusha ka fuulay nebiga, markaas ayuu nebiguna kacay oo labaduba is dhunkadeen. Nebiguna wuu dhunkaday oo laabta ku qaaday.Hassan ayaa gacantiisa ku qabtay gadhka nebiga.Nebigu afkiisa ayuu furay markaas ayaa Xassan afka geliyay. Nebiga ayaa yidhi: Rabbiyow, waan jeclahay ee jeclow adiguna jeclowna qofkasta oo jecel. Nebigu saddex jeer ayuu ducadaas ku celiyay.Abu hurayra waxuu yidhi: markasta oo aan Xassan arko ilmo ayaa indhayga ka soo burqan jirtay.

Maalin ayaa nebigu tegay guriga inantiisa Faadumo.Waxaanu weydiiyay mee Cali isaga oo leh mee inaadeerkaa? Waxay ku tidhi waanu is yara qabanay oo sidaas ku baxay. Nebigu waxuu diray qof si loo soo sheego Cali halka uu joogo, waxaana loo sheegay inuu masaajidka jiifo. Sidaas ayuu nebigu SCW ku tegay masaajidka oo arkay cali oo jiifa dhulka isagoo maradii dusha ka saarayd ka dhacday. Nebigu SCW waxuu bilaabay inuu boodhka ka tumo jidhkii Cali isaga oo leh : Toos, Abu Turaab, Toos Abu-Turaab.

Waxuu nebigu mararka qaar booqasho ugu tegi jiray Ummu Ayman, oo ahayd daryeelihiisii caruurnimo.Maalin ayuu booqday markaas ayay cunto ama cabitaan u keentay. Nebiguna xilligaas waxa loo maleeyaa inuu soomanaa ama aanu rabin inuu wax cuno ama cabo. Markaas ayuu ka soo jeestay isaga oo aan waxba ka cunin/cabin. Ummu Ayman waxay u jeedsatay nebiga iyada oo dagaalaysa oo codkeeda kor u qaadaysa si ay u tuso dareenkeeda in ay ka niyad xun tahay in aanu cuntadeeda wax ka cunin.Ummu Ayman way yeeli karaysay sidaas sababta oo ah waxay ahayd dadkii soo barbaariyay/ soo korisay ee xanaanayn jirtay nebiga yaraantiisii. Dareenkeeduna waxa uu ka turjumayay sida ay u jeceshahay nebiga oo la mida sida hooyo ilmaheeda cunto siinaysa ay ula hadasho.Nabagalyo iyo naxariista Allah korkiisa ha ahaato nebiga oo ahaa mid waxyaalahaas oo dhan kaga jawaaba dhoola cadayn.
Waxuu booqan jiray asxaabtiisa iyo saaxiibadii gaar ahaan kuwa buka ama itaal darradu hayso.Waxuu aqbali jiray yeedhmadooda isaga oo mararka qaarkood u tegi jiray keligii. Tusaale: waxuu aqbalay nebigu martiqaad uga yimi Mulaykha, Anis Ibnu Maalik ayeydii taas oo ka codsatay nebiga inuu la cuno casuumad ay u diyaarisay. Nebigu SCW wuu u tegay oo la soo cunay cuntadii. Markaas ayuu ku yidhi: imika aan isu taagno salaad. Anis Ibnu Maalik ayaa yidhi: waxaan soo qaaday caw la madoobaatay gabow iyo mudo dheer oo la isticmaalayay awgeed. Markaas ayuu waa Anise biyo ku shubay cawdii oo nebigu isku dul taagay, aniguna aan is daba taagay iyo will yar oo agoon ahaa. Ummu Aymana way isa sii daba taagtay sidaas ayaa nebigu SCW nagu tujiyay salaad laba rakcadood ah oo tegay.

Waxaa turjumay
Farxaan Aadan Haybe