Maalinta Kaadi Macaanka Aduunka “World Diabetic day”: Maanta oo kale 24 sano kahor waxaa loo aqoonsaday in ay noqoto maalinta kaadi macaanka aduunka,

0
404

Maalinta Kaadi Macaanka Aduunka “World Diabetic day”: Maanta oo kale 24 sano kahor waxaa loo aqoonsaday in ay noqoto maalinta kaadi macaanka aduunka,
12246965_1216334005062376_86187602745338180_n
– Maalintan ayaa loogu aqoonsaday in ay noqoto maalinta macaanlayda aduunka maadama uu dhashay ninkii u horeeyey ee soo saaray irbada ama dawada lagu dabiibo kaadi macaanka oo magaciisa la odhan jiray Frederick Banting oo ay ka wada shaqeeyeen ninka isna la odhan jiray Charles Best, waxaanay soo saareen dawada sanadkii 1922-kii

– Xanuunkan ayaa la aaminsan yahay in uu hayo tiro ku siman 365 Million oo ku filiqsan daafaha dunida oo u dhiganta 8% oo kamida bulshada ku nool aduunka
– Waa Xanuun yimaada marka ganaca “Pancreas” soo saara maadada loo yaqaano Insulin oo shaqadeedu tahay gaadhsiinta sonkorta ee unugyadu gaabiyo ama gabi ahaanba joojiyo soo saarka Insulinta
– Xanuunkan ayaa lagu gartaa astaamaha; Harraad badan, kaadi badnaan, miisaankaaga oo xawli isku dhima iyo gaajo joogto ah.

– Waxaa lagu talinayaa in aad marwalba la socoto heerka sonkorta dhiigaaga ku jirta adiga oo ka qiyaas qaadanaya qiyaasaha aan halkan ku xusay.

– Waxa sidoo kale aad loo adkaynayaa in aad in badan ku dedaasho QURAACDA oo ah cunto muhiim u ah habsami socodka sonkorta jidhkaaga! iyo sidoo kale in aad jimicsiga noocyadiisa kala duwan waxkamida ku dedaasho

– Ugu dambayn aad iyo aad ayaan uga xumahay in aanay wali dalkayga ka hirgalin urur ay ku midoobaan MACAANLAYDU oo wax badan oo tallo iyo deeq ba ah ka heli lahaaa dunida.
– Abuuritaanka ururada dadka isku danta ah waa fikrad wali ku dhex curdan dhadhsan qarankan curdinka ah walina Curado u kaca u baahan!

– Waan kuu bidhiiqyey ee adiguna baadh … sidoo kale u ducee cid walba oo xanuunkaasi haleelay kuna caawi inaad u baahiso xogtan walaw in ka badan dadkuba hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here