Wararkii U Danbeeyay Ujeedadda Kulamo Hoose Oo Hordhac Ah Oo Dhex Maray Garabkii Isbahaysiga Murashixiinta KULMIYE, Iyo Xisbiga WADANI

0
700

Wararkii U Danbeeyay Ujeedadda Kulamo Hoose Oo Hordhac Ah Oo Dhex Maray Garabkii Isbahaysiga Murashixiinta KULMIYE, Iyo Xisbiga WADANI.

Hargeysa-(WARSUGANNEWS)-Dhaqdhaqaaqyo iyo isu guurguur hordhac ah oo salka ku haya shirar duceedyo hoose ayaa lagu soo waramayaa in uu magaaladda Hargeysa, uga bilaabmay xubnihii garabkii isbahaysiga musharaxiinta ee qaadayacay shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, iyo Wasiiradii dhawaan iska casilay xukuumadda oo isku dhinac ah iyo xisbiga mucaaridka ah e WADANI, arrintan oo ka danbaysay dadaalo iyo isku dayo shirar doceedyo ah oo kasbasho siyaasadeed ah oo uu 48-kii saacadood ee u danbeeyay uu xisbiga mucaaridka ah ee WADANI, ka bilaabay Hargeysa.

Illo wareedyo xogoggal ah oo arrimahan si weyn ugu dhuun dalloola. ayaa tibaaxaya in kulamadan iyo shir doceedyadani ay si gooni gooni ah uga dhacayeen labadii maalmood ee u danbeeyay Huteelo iyo guryo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Inkasta oo aanay weli si rasmi ah u bilaabmin kulamo rasmi ah oo dhex maray labada dhinac, hadaa waxa ay wararku tibaaxayaan in kulamadan hordhaca ah ee loogu gogol xaadhayo kulamada rasmiga ah ay xisbiga mucaaridka ah ee WADANI, ay u matalayeen Xoghayaha Guud ee xisbiga WADANI, Mr Uurcade, Xildhibaan Rayte, Iyo Xamarji, halka lagu soo waramayo dhinaca kalena ay in ay u matallayeen, .Ex Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan , Ex Wasiir Cabdi casiis Samaale, Ex Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, Ex Wasiir Faarax Geedoole iyo Xildhibaan Axmed Kijaandhe .

Warku waxa uu intaa ku daray in illaa iyo hada kulamadan ay yeesheen dhinacyadu, in aanay jirin wax qodobo ah oo si rasmi ah la isula qaatay, balse, waxa lagu soo waramayaa in ay labada dhinac isla qaateen oo ay isla waafaqeen in la qabto shir rasmi ah oo ay labada dhinac u wada dhan yihiin.
Illo-wareedyadani waxa kale oo ay in garabka mushariinta isbahaysiga KULMIYE, iyo Wasiiradda iska casilay xukuumadu, ay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan in ay kula gorgortamaan madaxda sare ee xisbiga Wadani, taas oo ay ku doonayaan in ka hor inta aanay ku biirin xisbigaas in ay buuxiyaan jagada shirguddoonka golaha Wakiilada, iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad, ee golaha Wakiiladda, oo la filayo in uu dhawaan iska casilo Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro.

Mar aanu xidhiidho kala duwan la samaynay qaar ka mid ah masuuliyiinta dhinacyadan matalaysay oo aanu wax ka weydiinay dhaqdhaqaaqyadan socda, waxa ay ka gaabsadeen in ay wax tafaasiil ah ka bixiyaan, dhinaca kale, Illaa iyo hada ma jiraan wax war ah oo si rasmi uga soo baxay dhinacyada oo khuseeya kulamadan hoose,

Si kastaba ha ahaatee, waxa dadka arrimahan sida weyn isha ugu hayaa ay odorosayaan in hadii ay arrintani suurtagasho, ay noqon doonto guul darro siyaasadeed oo xisbul xaakimka KULMIYE, iyo xukkumadiisa la soo wajahi doonta golaha Wakiiladda Somaliland.

Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)
bayga01@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here