Maamulka Dekadda Berbera oo Faah Faahin Ka Bixiyey Ballaadhin iyo Dib-u-Habeyn Ay Ka Wadaan Gudaha Dekadda Caalamiga ah ee Berbera‏

0
290

Maamulka Dekadda Berbera oo Faah Faahin Ka Bixiyey Ballaadhin iyo Dib-u-Habeyn Ay Ka Wadaan Gudaha Dekadda Caalamiga ah ee Berbera‏

“Ballaadhinta Dekadda Berbera, Waxa Aanu Kaga Bixi Doonaa Cidhiidhigii Dekadda. Waxaana Laga Faa’ideyaa Korodh Dhaqaale, Mid Shaqaale iyo Mid Ganacsiyeedba.”.Maareeye Ku Xigeenka Dekadda Berbera Cumar Abokor Jaamac

Berbera(Warsugannews):-Maamulka dekadda magaalada Berbera, ayaa si faah faahsan uga warbixiyey ballaadhin, dib-u-habeyn iyo casriyeyn ay muddooyinkii dambe ka wadeen gudaha dekaddaasi, waxaana ay sheegeen in ay hada gacanta ku hayaan dhismaha wejiga saddexaad ee barxadda Wajaale ee dekadda Berbera, iyaga oo tilmaamay in barxaddani ay noqon doonto mid ay kaga reystaan cidhiidhi badan sida oo kalena si hufnaan ah ugu fududeyn doonta hawlaha shaqo ee ay dekaddu ugu adeegayso guud ahaan ganacsatada kala duwan ee ka adeegta goobtaasi.

Maareeye ku xigeenka dekadda Berbera Inj.Cumar Abokor Jaamac, oo sidan ku sheegay mar uu la hadlaayey talefeeshanka Universal, ayaa faah faahin ka bixiyey ballaadhinta iyo dib-u-habeynta ay ka wadaan dekadda Berbera, waxaana uu ka dhawaajiyey in ballaadhinta dekaddu ay u suurto-gelinayso in ay si hufnaan ah oo aan mashquul lahayn ay ugu adeegaan ganacsatada kala duwan ee ka adeeganaysa dekadda Berbera, isaga oo tibaaxay in ay kaga baxayaan cidhiidhigii ka haystay dhinaca shaqada.

“Waxa weeye halkan ayaanu shaqaddii ballaadhinta dekadda aanu ka bilownay, wejigii horena waa uu dhammaaday oo Alle waa uu nagu guuleeyey, hadana waanu ku shaqeynaa, waana aad arkaysaan in aanu cidhiidhigii kaga baxnay, wax badana aanu odhan karno waa ay soo kordhisay. Markii aanu dareenay in aanu labaddii qeybood ee hore aanu dhammeystirnay oo faa’iidada ay soo kordhiyeen aanu aragnay, markii aanu aragnay in cidhiidhigii iyo badeecaddahii Kontinerada ku jiray aanan kaga baxin labada qeybood ee hore ayaanu bilownay ballaadhinta oo horena ay u ahayd u jeedadayada in aanu ballaadhino, waxaana Alle mahaddii ah in aanu qeybtii saddexaad aanu bilownay sannadkan aanu ku jirno, waad arkaysaan oo maanta intii badneydba waa ay noo dhammaatay.”.Ayuu yidhi Cumar Abokor Jaamac

Md.Cumar Abokor Jaamac oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa kale oo uu faah faahin ka bixiyey faa’iidooyinka ay soo kordhin doonto ballaadhinta dekadda Berbera, isaga oo carabka ku dhuftay in ay korodh ku sameyn doonto badeecadaha kala duwan ee ka soo degaaya dekadda Berbera, sida oo kalena ay bulshada Somaliland u abuuri doonto korodh dhaqaale iyo weliba sida oo kale korodh xaga shaqaalaha dekadda Berbera ah.

“Wax badan ayey soo kordhiyeen barxadaha aanu sameynaynaa, dhaqaale ayey ku soo kordhiyeen, dhaqdhaqaaq badan ayey ku soo kordhisay oo badeecad badan ayaa ay ku soo kordhisay, shaqaale badan ayaa ay ku soo kordhisay oo kordhay. Waxa aanu la kulmi jirnay dad badan oo Kontinero badan keeni jiray ama leyman soo kordhaaya. Markii aanu hore ugu shaqeyn jirnay dekaddaa hore ee ay innoo dhiseen Mareykanka iyo Ruushku, waxa soo geli jiray uun laba leyn oo qudha se maanta waxa yimaada afar leyn oo Kontiner sida, sida aad hada u jeedaana hada waxa soo xidhay Markabka MC meeshiisiina loo faaruqiyey, waana aanu ka reysanay oo dekaddii hore cidhiidhi xoogga ayey nagu ahayd, imikana cidhiidhigii ayaanu ka baxnay, Xoolo badan ayaa ka dhoofa(Export), marka Alxamdulillaah, cidhiidhi badan ayaa naga sii haystay hadana waanu ku nafisnay inta dambe ee aanu dhisi doonana waanu ku sii nafisi doonaa, wax badana waanu ka qabsan doonaa.”.Ayuu yidhi Maareeyaha Ku Xigeenka Dekadda Berbera Cumar Abokor Jaamac.